Dhageyso Lix Basaas oo U Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka Iyo Kan DF oo Lagu Toogtay Kuunyobarrow.
Fagaare weyn oo ku yaalla degaanka Kuunyobarrow ee wilaayada Shabeelaha hoose ayaa waxaa galabta casarliiqii ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay rag lagu eedeeyay iney basaasiin u ahaayeen sirdoonka Mareykanka marka laga reebo hal nin oo wax u basaasayay kan DF. Qaadiga maxkamadda ayaa fulinta ka hor wuxuu fagaaraha ka akhriyay xukunka eedeysanayaasha iyo tafaasiishiisa, mid walba oo iyaga kamid ahna si gaar ah ayuu uga hadlay shaqadiisii iyo dhibaatadii uu geystay.
Sheekada eedeysanaha koowaad
Yaxye C/shakuur Cusmaan (Yaxye Aflow) oo 23 jir ah waa ninka koowaad ee kiiskiisa lasoo bandhigay, waxaa lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa sirdoonka Mareykanka islamarkaana ka dambeeyay hagidda duqeymo ka dhacay wilaayaatka Sh/hoose iyo Jubbooyinka.
Eedeysanaha ayaa maxkamadda ka hor qirtay eedaas wuxuuna sheegay in hawshan uu usoo bandhigay basaas kale oo la yiraahdo Muxsin. Sida uu sheegay wuxuu shareexooyin (qalab diyaaradda loo dhigo halka ay duqeeneyso) ka keenay Muqdisho, wuxuu gudbiyay nabarrada laba nin oo la duqeeyay, dad ayuu shaqaaleysiiyay, sidoo kalana wuxuu kamid ahaa hey’ad shaqadeedu tahay la dagaalanka xagjirnimada (islaamka) taasoo shaqooyinkeedu kamid yihiin in dhallinyarada laga masaafuriyo wilaayaatka islaamiga ah.
Sheekada eedeysanaha labaad
Qofka labaad ee xogtiisa iyo xukunkiisa lasoo bandhigay, waa 27 jir lagu magacaabo C/fataax Cali Sh/Ibraahim (Biibaaye) kaasoo isna maxkamadda ka hor qirtay inuu ahaa basaas u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka, ayna shaqaaleysiiyeen Muxsin Diyaasbaro iyo Axmadey shanta. Maxkamadda islaamiga ah waxay sheegtay in ninkan uu ka dambeeyay duqeyn ka dhacday xarunta idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ee degaanka Kuunyo kadib markii uu dhigay shariixo, waxa kale oo uu muddo 4 goor ah soo sahmiyay meelo ay kusoo dagaan ciidanka Bankaraf halka uu gudbiyay magacyada dad uu basaasayay, wuxuuna shaqadan ku qaatay lacago yar
Sheekada eedeysanaha sadaxaad
Basaaska sadaxaad waa Axmadeey Cabdullaahi Cali (Shanta) oo 24 jir ah una shaqeynayay Mareykanka, sida ku cad macluumaadka maxkamaddana ninkan ayaa waxaa shaqada basaasnimada ah usoo bandhigay adeerkiis oo la shaqeeya sirdoonka Mareykanka iyadoo mar kale uu usoo bandhigay Muxsin Diyaasbaro. Muddo laba sano ah oo uu hawshan faraha kula jiray ayaa wxuu agaasimay duqeyntii Idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ee Kuunyo, wuxuu gudbiyay nambarada iyo macluumaadka dad kale, wuxuu sawirro ka qaaday rag Mujaahidiin ah laakin sida uu sheegay ma gaarin halkii uu ugu tala galay, waxa kale oo uu ahaa sahmiyaha meel ay ku dagi karaan Bankaraf isagoona shaqaaleysiiyay basaasiin kale.
Sheekada eedeysanaha afaraad
Intaasi kadib maxkamadda ayaa soo bandhigtay kiiska Muxsin Cusmaan Maxamad oo kamid ahaa ragga basaasiinta ah ee u shaqeeynayay Mareykanka, 30 jir-kan oo ka qeyb qaatay duqeymo Jubbooyinka iyo Sh/hoose ka dhacay ayaa maxkamadda ka hor qirtay in shaqada basaasnimada ah loo soo bandhigay goor uu joogay Koofurta Suudaan, markii uu yimid Kuunyobarrow-na lagu soo xiray Cabdalla Nuunow oo ahaa basaas horey usii dhakanayay.
Wuxuu sheegay inuu jeer dambe toos ula xirtay ninkii gaalka ahaa kadibna uu ka qeyb qaatay 7 duqeyn oo lagu dilay shacab iyo Mujaahidiin, qaarkoodna dadkii loogu talagalay ka badbaadeen, ninkan oo laba sano shaqadaasi ku guda jiray ayaa qirtay inuu gudbiyay macluumaadka guryo iyo nambarro telefoon.
Sheekada eedeysanaha shanaad
Kiiskaasi kadib waxay maxkamaddu soo bandhigay Daahir Maxamad Salaad oo kamid ahaa sirdoonka Galmudug, Daahir wuxuu sheegay in muddo sannad iyo bilooyin laga joogo uu shaqadan isagu ka dalbaday Mahdi Cumar Muumin oo ah taliyaha nabad-sugidda Galmudug kadibna lagu biiriyay qeybta loo yaqaano dharcadka, wuxuu xusay in gacanta lagu soo dhigay isagoo u socda Muqdisho si uu usoo qabto shaqo loo diray oo ahayd inuu soo gudbiyo odayaasha la shaqeeya Mujaahidiinta.
Sheekada eedeysanaha lixaad
Boorow Tukey Maxamad, waa mid kamid ah basaasiintii maxkamaddu soo bandhigtay kaasoo kaalimo waaweyn ku lahaa duqeymo ka dhacay degmada Saakow ee wilaayada Jubbooyinka, waxaa sida uu afkiisa ka sheegay shaqadan usoo bandhigay Xildhibaan ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Isaaq Sandheere, xoogaa kadibna waxaa basaasnimo kale usoo bandhigay nin la yiraahdo Mustaf wuuna ka aqbalay.
Qaadigu wuxuu sheegay in Boorow uu dad u shaqaaleysiiyay Mareykanka islamarkaana fuliyay 2 duqeyn oo middood lagu dilay Sh/Cbadulqaadir Kumaandoos, halka tan kale ay ku dhacday xarunta idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ee degmada Saakow kadib markii basaas lagu magacaabo Jeekey uu dhigay shariixo uu Boorow soo dhiibay. 41 jirkan ayaa sheegay inuu gudbiyay macluumaadka guryo iyo rag Mujaahidiinta ka tirsan.
Sida ku cad qoraalka maxkamadda, wax yaabaha la yaabka leh ee loo soo diray waxaa kamid ahaa iska hor keenka bulshada iyo maamulka, gaar ahaan iney isku dhacaan ganacsatada iyo maamulka degmada. Muddo sannad iyo bar ah oo uu shaqeynayay waxaa gacantiisa kusoo dhacay 30 shariixo oo loo soo dhiibay kuwaasoo uu 2 kamid ah u adeegsaday duqeymaha.
Intaasi kadib qaadiga ayaa ku dhawaaqay xukunkan lixdan basaasiinta ah oo noqday dil toogasho ah kadib markii uu soo bandhigay adillooyin kitaabka iyo sunnada ah amaba isugu jira Qur’aan iyo Axaadiith, kadibna waxaa is qabsaday rasaastii lagu shannaqayay iyo takbiirta dadweynaha oo laga dheehanayo iney aad u qiireysnaayeen una ciil qabeen basaasiinta maadaama ay horey u arkeen ficilladoodii gurracnaa.
Culimadu waxay marar badan sheegeen in dadka ugu nasiibka daran ay yihiin basaasiinta u shaqeeya sirdoonada gaalada kuwaasoo dad muslimiin ah u dhibaateeya wax ay caloosha galiyaan oo kaliya ugu dmabeyntiina seega adduunkoodii iyo aakhiradoodiiba.
Halkan Ka Degso Xukunka Maxkamadda Islaamiga ah Iyo Qaadiga