Mareykanka oo Duqeyn Diyaaradeed Ku Dilay Nabadoon Caan Ka Ahaa Hiiraan.
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa dad rayid ah ku beegsaday galbeedka magaalada Baladwene ee gobolka Hiiraan, waxaana ay ku dileen nabadoon caan ah iyo dad shacab ah oo la socday.
Shacabkan ayaa lagu duqeeyay gaari nooca loo yaqaano Baraada oo uu saarnaa nabadoon Yuusuf Fiidoow oo ahaa nabadoonka Jufada Maamiye ee beesha Baadicadde. Gaariga ayaa kasoo tagay magaalada Baladweyne isagoo kusii jeeday degmada Buq-Aqable ee isla gobolka Hiiraan.
Weerarkan ayaa dhacay wax yar ka hor salaaddii cishaha sida ay inoo sheegeen dadka ku dhaqan galbeedka gobolka, si gaar ah, duqeyntu waxay ka dhacday deegaanada Samatare iyo Aqabadeey ee galbeedka Baladweyne.
Tirada guud ee dadkaasi la dilay waa Nabadoon Yuusf Fiidoow iyo wiil uu dhalay, waxaana kaloo ku dhintay nabadoon labaad oo la socday gaariga, halka uu ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadkii gaariga la saarnaa nabadoonka.
Ka hor duqeynta waxaa jirtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ku dul wareegayeen degaanada galbeedka Baladweyne, ugu dambeyntiina ay beegsadeen gaarigaasi rayidku saarnaayeen ee kasoo baxay isla magaalada.
Sadaxda qof ee uu Mareykanku ku dilay duqeynta ayaa 12 qof ku noqonaya duqeyn todobaad ka hor ka dhacday degaanka Mubaarak ee wilaayada Sh/hoose taasoo lagu dilay 8 qof oo rayid ah una badnaa gaadiidley.
Waxaa muuqanaya in Mareykanku uu halkiisa kasii wado beegsiga dadka rayidka ah marba haddii ay wada ashahaadanayaan, waxaana xusid mudan in Xassan Sheekh uu dhawaan shaaca ka qaaday goodi ku socda shacabka, warkaas oo ay siyaasiyiin badan ku macneeyeen mid ay Mareykanku ka xishoodeen balse isaga loo soo dhiibay si wixii dhaca mas’uuliyaddooda ay isaga dhabarka ugu saaraan.