Mashruuca Macawisley (Maqaal) Qore Aqoonyahan Xassan Fiyooke.
Aqoonyahan Xassan Fiyooke Cali oo ah falanqeeye ku nool Yurubta ayaa maqaal ka qoray qorshaha ay DF ka leedahay sameynta mooryaanta loogu yeero Macawiisley, waxaana uu maqaalkiisa ku billaabay sida tan:
1- Hadafka kama dambeysta ah ee Ibliis uu aadanaha u wado waa inuu Naarta ku hubsado kuna waaro lkn marna uma oggala qofku inuu taa ogaado beddelkeedana wuxuu tusaa yididiilo meel dhow ka muuqata oo dan aduunyo ku dheehan tahay markuu hantana uu Eebbe dib ugu soo noqon doono (Adduunyada diyaarso Aakhiradaadana dib ka hagaaji)
2- si uu Xaqiiqada dadku ku go’aan qaatay u dooriyo wuxuu soo falkiyaa dhacdo inta badan been ah ama mid yar oo aad loo weyneeyey.
3- si uu Beentaa u hirgeliyo waxaa lagama maarmaan ah in aragga dadka la cajis geliyo sida mugdi, Sixir,Buuq IWM.
4- Fulinta waxaa lagu xoojiyaa dhaar, oohin,Xoolo, ammaanid,IWM.
5- Ibliisku kama maarmo cid uu gadaashooda ku gabbado oo aanay ka didsanayn qofka uu rabo inuu mowqifka Xaqa ah ka beddelo.
6- Mowduuca uu suuq geynayo wuxuu ka unkaa qaddiyad xiriir la leh dareenka qofka uu u duulayo sida; welwel, damac, gocasho….
7- markuu qofkuu qatalay qatarta ku hubsado Ciidankiisana loo baahi badan yahay ka beri noqosho iyo jeesjees ayuu la diyaar yahay taasoo aan dhibbanihiisa u muuqan ilaa maalinta qiyaamaha iyo maqaamka Allah uu ku fadeexaynayo Ibliiska.
8- Ibliisku qofka uu dhagray wuxuu kala qayb qaataa sabirka uu ku sugayo Halaagga ku soo socda isagoo roob ugu muujiya daruurta raranka iyo dhaxaanta sidda.
Yaa ka macaashaya?
Waxaa socda Abaabul aad u baaxad weyn oo lagu maalgashaday dhacdo masawir laga duubo kadibna saxaafadda lagula degdego ujeedada dadkaas heerka kasta oo darajadooda lagu sheego waa in laga qaniimaysto lacag la filayo in lagu bixin doono Argagixiso la dirir.
Badeecada kaliya ee lacagtaas la dhaafsanayo waa dhiigga wiilasha Soomaaliyeed ka macaashayaalka ugu sad roonna waa shisheeyaha nagu laasimay dagaal joogta ah aan lagu guulaysan karin lagama maarmaanna ahayn.
Macawisley ma cusba lamana mahadin tii hore lkn lagama xisaamtamin dersiga laga baranayo waa inaan danaystuhu waagii beryaba waayin ruux uu dago oo dhiiggiisa ku quraacdo lkn bishaareysta:
A) Inta badan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gudaha wadanka ku nool waa baraarugeen waxa dagani waa danaysatada isku magacaabay labeenta bulshada xaqiiqadooduna ay tahay Caanooyada u baahan in layska miiro si loo helo Sixin saafi ah.
B) Maraykan iyo UK waxaa bilaabatay dood ah in la maxkamadeeyo aabbayaashii War On Terror halaagga ay badeen dhaqaalihii dhitaysnaa ee dalalkooda iyo nafsadda kumanyaal dadkooda ah sidaa daraadeed godol kama soo dhawa lkn ka daali maayaan inay lug gooyaan garaad laawe iyaga Ilaah moodaya.
Xasan Sheekh Maxamud col ku filan isagaa diyaarsaday waana intii booska uu hadda joogo u suurta gelisay marka laga reebo koox yar oo ay u suura gashay inay xeerada faraha geliyaan.
Garaad laawe waxaad daaqi waa geedo waran gaaxshay.
WQ: Xassan Fiyooke Cali
FG: Aragtida maqaalka waxay u gaar tahay qoraha loomana tiirin karo warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan.