Mas’uul Ka Tirsan Maxkamadda DF oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay hawlgal qorsheysan oo lagu beegsaday mas’uul ka tirsan DF.
Hawlgalkan oo sida wararku sheegayaan ay fuliyeen dagaalyahanno si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay degmada Wadajir, waxaana lagu khaarajiyay mas’uul ka tirsanaa Garsoorka DF.
Halka uu dilku ka dhacay waa Siligga Ameerikaanka, waxaana goob joogayaal ay inoo xaqiijiyeen in dhowr xabbadood lagu shannaqay mas’uulka oo lagu magacaabi jiray Abuukaate Maxamed Warsame Maxamed oo ka tirsanaa Maxkamada DF.
Boqolkii maalmood ee uu madaxtooyada fadhiyay Xassan Sheekh waxaa aad usii laba kacleeyay weerarada ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsanayso mas’uuliyiinta, xarumaha iyo ciidamada DF.