Mujaahidiinta Al-Qaacida Ee Jaziiratul Carab Oo Beeniyay War Kasoo Baxay Xukuumadda Taagta Daran Ee Dalka Yeman.(Bayaan)

Bayaan kasoo baxay Tandiimka Qaacidatul Jihaad ee Jaziiratul Carab islamarkaana ay baahisay Mu’assasada Al-Malaaxim ayaa gabi ahaanba la isaga anfiyay sheegasho been ah oo kasoo yeertay xukuumadda taagta daran ee Cabdi-Rabbi Mansuur Haadi.

Sagaalkii bishaan September ayay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Yeman iyo wasiirkeedaba shaaciyeen iney gaareen guul weyn, taas oo ah iney gacanta ku dhigeen xubin muhiim ah oo katirsan Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dalka Yeman, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Fahad Al-Dhamar فهد الضمر, islamarkaana kamid ahaa rag ka baxsaday xabsi ku yaalla togga Xadra-Mowt Ramadaankii lasoo dhaafay, waa sida ay sheegatay wasaaradduye.

Balse xilligaas Mujaahidiinta Jaziiratul Carab ayaa cadeeyay in tiro kamid ah dadka Muslimiinta ah, ayna ku jireen majmuuco katirsan Mujaahidiinta ay kasoo saareen xabsigaas, kadib markii ay weerar ku qaadeen.

Sheegashadaan beenta ah ee kasoo yeertay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Yeman, ayay Mujaahidiinta Jaziiratul Carab sheegeen iney tahay feyl dheer oo muddo soo jiray, kuwaas oo dhammaantood waxba kama jiraan ah, balse ay ku tun jilicsaneyno dadka ducafada iyo masaakiinta ah.

Mujaahidiinta ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka nuucaan ah ay xukuumaddaan taagta daran ku dooneyso iney ku daboosho fashilka foosha xun, iyo dacfiga qotada dheer ee heysta, waxayna si cad u sheegeen in Fahad Al-Dhamar فهد الضمر,-ka ay sheegtay xukuumadda Yeman uusan wax xiriir ah la leheyn Mujaahidiinta, kana mid aheyn afraadeeda, iskaba daaye inuu yahay xubin muhiim ah oo iyaga katirsan’e.

Qeybaha dambe ee bayaanka ayay Mujaahidiinta uga digeen xukuumadda Yeman dulmiga ay ku heyso dadka rayidka ah, iyadoo dusha kaga tuureysa waxyaabo aysan ku lug laheyn, kuwaas oo ay kuu dooneyso iney ku xaqiijiso guul dhalanteed ah, oo ay waji kaga rabto isbaheysiga carbeed iyo reer-galbeedka.

Dowladaha ka jira wadamada caalamka islaamka ayaa waxaa dhaqan u ah marin habaabinta bulshada, iyo sheegashada guulo aan waxba ka jirin, taas oo ay kasoo miin guuriyeen reer-galbeedka, waxayna tallaabadaan raad raaceysaa sheegashadii Qaramada Midoobey ee sannadkii hore, taas oo ku aaddaneyd iney gacanta ku dhigeen Sheykh Khaalid Baadarfi oo ah Amiirka guud ee Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab, balse goor dambe ayay fashil kala kulantay arrintaas, kadib markii Mu’assasada Al-Malaaxim ay baahisay kalimad uu kasoo muuqanayo Sheykha, isagoo ka hadlaya axdaath dhacday kadib markii ay sheegeen iney gacanta ku dhigeen hogaamiyaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.