Mujaahidiinta Maali Oo Fuliyay Howlgallo Hor Leh, & Dowladaha Ku Mideysan Ururka G5 Oo Yeeshay Kulan Deg Deg Ah.(Warbixin)

Dalka Maali waxaa kusii xoogeysanaya weerarada ay fulineyso Jamaacada Nusratul Islaam Wal Msulimiin ah ee ka jihaada wadamada dhaca Saxaraha iyo Saaxilka Africa, kuwaas oo walaac ku abuuray dowladaha ku yaalla Mandiqadda, iyagoona maalin ka hor yeeshay kulan Istiraatiijiyad cusub loogu raadinayo urur ay ku mideysan yihiin oo horay ay kaga baxday xukuumadda Maali.

Muddo laba maalmood gudahood ah waxay Mujaahidiinta Maali fuliyeen weeraro isugu jira kuwa toos ah iyo kamiin, kuwas oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda, sidoo kalena lagu soo furtay hub iyo agabyo kale oo mellatari.

Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta islamarkaana ay baahisay Mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa lagu faahfaahiyay howlgalladaan, waxaana midka koowaad oo dhacay maalintii Arbacada ee lasoo dhaafay, kuna beegneed 25-ka bishaan Safar lagu qaaday, xero ay ku sugnaayeen ciidamada xukuumadda Maali.

“Allaah fadligiis waxaa guuto kamid ah Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin usuura gashay iney cagta mariyaan, xero ciidan oo ku taalla tuulada Yamiin ee dhacda gobalka Koolikoor ee dalka Maali, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada daaquudka ee Maali” ayaa lagu yiri bayaanka ay baahisay Mu’assada Az-Zallaaqah.

Sidaba caadada u ah ciidamada soo duulayaasha iyo kuwa la shqeeya, waxaa goobta ka firxaday ciidankii xukuumadda Maali, Mujaahidiinta ayaana usuura gashay iney si buuxda ula wareegaan xerada, halkaasna kasoo daabushaan hub iyo agabyo kale oo mellatari.

“Ciidanka Daaquudka ee fulayada ah ayaa ka firxaday xerada, waxeyna Mujaahidiinta halkaas kasoo qaniimeysteen 4 mooto , iyo agabyo kale oo mellatari, iyagoo saalimiin ah ayayna dib ugu laabteen goobihii ay kasoo duullaan tageen” ayaa lasii raaciyay bayaanka kasoo baxay Nusratul Islaam Wal Muslimiin, islamarkaana ay baahisay garabkooda warbaahineed ee Az-Zallaaqah, sawir ay faafisay Mu’assasada ayaana lagu arki karaa mootooyinka iyo agabyada kale ee ay soo furteen Mujaahidiinta.

Weerarka labaad oo ka xooggan kii hore kana khasaara badan, islamarkaana dhacay maalintii xigtay ee khamiista aheyd ayaa ahaa mid kamiin ah, kaas oo ay marti galiyeen kolonyo katirsan askarta Maali oo ku socdaalayay wado isku xiriirisa magaalooyin ku yaalla gudaha dalkaas.

“Maalintii khamiista taariikhduna ku beegneed 26-ka Safar 1444-ta hijriyada, waxay Mujaahidiintu kamiin u dhigeen ciidanka mujrimka ah ee Maali, oo ku socdaalayay wadada isku xiriirisa Magaalooyinka Sibabgi iyo Jiima, kaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay cadowga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mujaahidiinta Maali ee lagu faah faahinayay howlgalladaan.

Bayaanka oo sii socda ayaa lagu sheegay, in muddo iska hor-imaad culus ah kadib ay cagaha wax ka dayeen ciidankii xukuumadda Maali, iyagoo fagaaraha uga cararay meydadka 3 askari, sidoo kalena ay Mujaahidiinta soo furteen 6 qori oo AK-47 ah, qori PKM- ah, 4 Sanduuq oo ay rasaas ka buuxdo iyo agabyo kale oo mellatari.

Waxaa intaa dheer oo ay Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin dab qabadsiiyeen mid kamid ah gaadiidkii ay wateen kolonyada ciidanka Maali, mid kamid ah dagaalyahannada Jamaacada ayaana ku shahiiday dagaalka, sidaba lagu sheegay bayaanka ay baahisay Mu’assada Az-Zallaaqah.

Dhinaca kale tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay xukuumadda Maali isaga baxday ururuka G5 ee ay ku mideysan yihiin dowladaha dhaca saxaraha iyo saaxilka Africa, waxa uu ururkaan wajahayay caqabado kala duwan, iyagoona maalin ka hor yeeshay kulan Istiraatiijiyad cusub loogu raadinayo ururkaas.

Kulankaan oo ahaa mid deg deg ah, ayaa khamiistii ka dhacay magaalada Niyaami ee caasimadda dalka Nijer, iyadoona ay kasoo qeyb galeen wasiirro iyo madax katirsan dowladaha qeybta ka ah ururka G5, waxayna isla gorfeeyeen sidii loo heli lahaa istaraatiijad cusub oo ay ku wajahaan jamacaadka jihaadiga ah ee ka jira dalalkooda, kadib ka bixintaankii Maali ee isbaheysigaas.

Muddo hal maalin ah ayuu socday kulanka, iyadoona la isku dhaafsaday aragtiyo ku aaddan sidii loo sameyn lahaan awood mellatari oo mideysan, maadaama ay ururka ka baxday xukuumadda Maali, ciidankii Barkhan ee uu Faransiisku hor boodayay duullaankana ku joogay Mandiqadda ay iyagana halkaasi isaga baxeen, sidaba lagu sheegay bayaan laga soo saaray gaba gabada kulanka.

“Wadcigaan la taagan yahay waxaa nagu waajib ah inaan xoogga saarno istaraatiijiyad mideysan, dagaal wax ku ool ahna lala galo jamaacaadka Argagixisada ah ee Maniqadda ka jira” ayay ku yiraahdeen bayaankooda gababada kulanka, kaas oo aan lagu sheegin tafaasiil dheeraad ah oo aaddan Istaraatiijiyaddaan cusub.

Sanadkii 2014-ka ayaa la dhisay ururka G5 ee ay ku mideysanyihiin dowladaha Saaxilka, kuwaasoo kala ah dalalka Murutaniya, Burkina Faso, Nayjar, Chad iyo Maali, sanadkii 2017-kana waxay dhiseen awood milliteri oo isku dhaf ah, oo ka kooban 5 kun oo askari, kuwaasoo howshoodu tahay la dagaalanka Jamaacaadka Jihaadiga ah.

Bishii May ee lasoo dhaafay xukuumadda Maali ayaa ku dhawaaqday in ay isaga baxday taxaalufkii weynaa ee G5, kaasi oo uu bud dhigeen u ahaa faransiiska, isbahaysigan oo ay ku midaysnaayeen illaa 5 dowladood oo saaxilka afrika dhaca ayaa muhiimad weyn ulahaa xukuumadda Paris.

Kadib go’aankii Maali ay kaga baxday ururka ayay dowladda Niger sheegtay in isbahaysigan uu dhintay, ayna tahay in layska hilmaamo, Max’med Baazuum oo ah madaxweynaha Niger ayaa wareysi uu siiyay saxiifadda Laakro ee kasoo baxda dalka Faransiiska wuxuu ku sheegay in isbahaysigii G5 uu dhintay, wuxuu intaa ku daray in ka hor ka bixitaanka maali ee taxaalufkan uu ahaa mid magac uun ujira, isagoo carabaabay in ay meesha ka baxday wadashaqeyntii ka dhaxaysay shanta dowladood ee ku bahoobay, kuwaas oo kala ah Niger,Maali,Burkina Faso,Tashaad iyo Moritaaniya.

Wuxuu ahaa taxaalufkii ugu weynaa ee ka dhan ah waxa loogu yeero “Argagaxisada”, sanad walba ayaa ciidamada isbahaysigan lagu qarash gareyn jiray lacago balaayiin Yuurow ah oo ka imaanayay qasnadda dowladda faransiiska.

Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin Wal Muslimiin ee ku xiran urur weynaha Al-Qaacidda ayaa camaliyaadkooda ku ballaariyay Burkina Faso,Niger iyo Maali, arrinkaas oo banaanka soo dhigay in manduumadii amniga ee Paris hoostageysay aysan wax dan ah uheyn bulshada, ayna sare usii qaadday faqriga iyo shaqa la’aanta mandiqadda ka jirta.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Mujaahidiinta Maali oo fuliyay howlgallo hor leh, iyo dowladaha ku mideysan ururka G5 oo yeeshay kulan deg deg ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.