Naceybka Ka Dhanka Ah Muslimiinta Ee Ay Abuureyso Dowladda Hindiya Oo Dibadda U Gudbay.(Warbixin)

Naceybka ka dhanka ah islaamka ee ay dowladda Hindiya ku abaabisay gaalada Hinduuga ah ee u dhashay dalkaas ayaa kasoo tallaabay gudaha Hindiya, isagoona u gudbay dalal aad uga fog Hindiya, halkaas oo ay rabshado iyo dhibaatooyin adag ugu geysanayaan dadka Muslimiinta ah.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dalka Ingariiska ka dhacayay iska hor-imaadyo xooggan oo u dhexeeya gaalada Hinduuga ah iyo dhalinyaro Muslimiin ah oo ku nool mid kamid ah magaalooyinka ku yaalla dalkaas, xaaladda ayaana noqotay mid faraha ka baxday kadib markii ay ciidamada boliska xittaa xakameyn waayeen.

Magaalada Listar ee dhacda bartamaha UK waxay maalmahaan marti galineysay dhacdooyin aan horay usoo marin magaalada, kadib markii ay halkaasi ka qarxeen iska hor-imaadyo u dhexeeya Hinduuga xagjirayaasha ah iyo dhalinyarada Muslimiinta, kuwaas oo u istaagay iney difaacdaan goobahooda cibaadada oo ay horar ku yihiin gaalada.

Muddo isbuuc ah waxaa magaaladaan ka taagnaa xaalad ammaan darri ah, illaa uu xaalku noqday mid ka baxay xakameynta, iskuna badalay in dagaal toos ah la isagala hor yimaado wadooyinka waaweyn, kaas oo ay sabatiisu leeyihiin Hinduuga aan la maqashiin karin diin islaam, ayna ku xidideysatay neceybka gaamuray ee ay uqabaan dadka Muslimiinta ah.

Kooxo kala matala Muslimiinta iyo Hinduuga ayaa isku dayay iney xaaladda qaboojiyeen, iyagoona sheegaya in waxaan ay qariib ku yihiin magaalada, masuuliyaddoodana ay leedahay dowladda Hindiya, Maadaama Narindara Mudi oo ah Ra’iisal Wasaaraha dalka Hindiya uu boorinayo hadallada neceybka ee ka dhan ah Muslimiinta, kuwaas oo hor seeday in gaalada Hinduuga ah ee aan ku sugneyn Hindiya ay ku dhiirradaan iney dhibaateeyaan Muslimiinta ku nool caalamka.

Inta hadda la ogyahay waxaa shaqaaqooyinkaan ku dhaawacmay 25 askari oo katirsan ciidamada boliska ee xukuumadda UK, kuwaas oo isku dayay iney hor istaagaan labada dhinac, waxaana intaa dheer in xabsiga la dhigay 47 ruux, xaaladda ayaana hadda mareysa meeshii ugu adkeyd.

Xiisadda hadda qaraxday ayaa lagu soo waramayaa iney aheyd mid jirtay muddo bilo ah, sida uu sheegayo Ismaaciil Baatiil oo ah madaxa Mu’assaso lagu magacaabo “Asdiqaa’ul Aqsaa”. sidoo kalena kamid ah dadka Muslmiinta ee saameynta ku leh magaalada.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Al-Jazeera ayuu ku sheegay, in xiisaddu ay kasoo billaabatay kadib markii ciyaar kubadda cagta ah ay dhex martay laba qolo oo kasoo kala jeeda Hindiya iyo Pakistan, ciyaartaas oo ay kusoo khasaareen kooxdii Hindiya ka socotay ayaa keentay in dhalinyarada Hinduuga ah ay wadooyinka isugu soo baxaan, iyagoo wata boorarar ay ku xardhan yihiin hal ku dhigyo cunsuriyeysan oo ka dhan ah dhammaan Muslimiinta.

Waxay intaasi kusii darsadeen in dadka ay weydiiyaan diimahooda, iyagoona Masaajidda hortooda lasoo istaagay calanka Hindiya, halkaasa ka daaray Music cod dheer ah, taas ayaana keentay in dhalinyarada Muslimiinta ah ay ka caroodaan falkaan, dagaalna ku iclaamiyaan gaalada Hinduuga ah.

Socod wada jir ah oo ay ka qeyb galayaan Illaa 200 oo kamid ah taageerayaasha xisbiga Ra’iisal Wasaaraha Hindiya ayay gaalada Hinduuga ah ka billaabeen magaalada, iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin oraahyada ka dhanka ah Muslimiinta ayayna isu dayeen iney ku xad gudbaan Masaajidda, balse dhalinyarada Muslimiinta ah ayaa is hortaagay arrinkaas.

Magaaladaan oo ah mid yar ayaa waxaa isla dega dadka Muslimiinta ah, iyo kooxo Hinduus ah oo asal ahaan ka yimid dalka Hindiya, kuwaas oo iyaga is moodsiiyay in magaaladaba ay kamid tahay dalka Hindiya, ayna ka geysan karaan wixii ay doonaan.

Sida uu qabo Ismaaciil, xasaradahaan ayaa salka ku haya laba arrimood: Midi waa sameynta ka dhalatay hadalla mceybka ah ee ka imaanaya dhanka Hindiya oo wax ka badalay wadciga magaalada, iyo tan labaad oo ah iney jiraan kooxo aan Magaalada ku sugneyn oo dibadda ka hurinaya colaadda.

Si kasto oo loo qaboojiyo xaaladda, sideedii horana lagu soo celiyo, ayuu haddana Ismaaciil tilmaamayaa in dhibaatadu ay tahay mid kasii jiri doonto Magaalada.

Kuwa islaamnimada sheegta ee aamisan in gaalada iyo Muslimiinta ay si nabad galyo ah isugu dhex noolaan karaan iyo koox ka socota Hinduuga dab caabudka ah ayaa yeegay kulan ay goob joog ka ahaayeen xubno katirsan hay’adaha ammaanka ee UK, kaas oo lagu doonayo in xaaladda lagu dajiyo.

Waxa ay soo saareen bayaan wada hir ah oo ay aqriyeen qaar kamid ah madaxda Hunuuda ee magaalada degan iyo Madaxda kulanka la qaadatay ee kasoo jeeda dhinaca kale, waxaana  bayaanka laga hor aqriyay Masjid weyn oo ku yaalla Magaalada Listar ee dalka Ingariiska.

Bayaanka ayaa lagu dhaleeceeyay xad gudubka loo geysanyo goobaha cibaadada, iyo dhibaatada lasoo darestay magaalada, waxayna sheegeen in muddo sanado ah ay wada daganaayeen halkaas iyadoona aanan dhicin wax mashaakil ah.

Haweeney kamid ah baarlamaanka magaalada ayaa ka digtay dhacdooyinka kasoo cusboonaaday magaalada Lister, iyadoona xiisadaha bilooyinkii lasoo dhaafay taagnaa ku eedeysay iney ka dambeeyeen kooxaha xagjirka ah ee Hindiya, iyo hadallada beenta ah ee abuuraya naceybka.

Arrinta ayaa isku rogtay dagaal hab diblimaasiyadeed ah oo ka dhexeeya dowldaha Hindiya iyo Pakistan, kuwaas oo soo saarayay bayaanaad ay ku dhaleeceynayaan waxa socda, iyadoona mid waliba uu sheegayo in isagu uu dulmanaye yahay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Hindiya ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso rabshado ay sheegtay in lagula kacay dadka Hinduuga ah ee iyagu xad gudubka wada kuna sugan Magaalada Lister, meelna looga dhacay rumuusta Hunuudda, waa sida lagu sheegaye bayaanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay iney si gaar ah ula socoto waxa ka dhacaya magaalada, dowladda Ingariiskana ay kala hadashay iney qaado tallaabooyin lagu joojinayo xad gudubka ay sheeganayaan ee loo geysanayo gaalada Hinduuga ah, ayna ilaaliso ammaankooda.

Dhinaceeda hey’adda sare ee Pakistan fadhigeeduna yahay Magaalada London, laguna tiriyo iney kamid tahay hey’aadka islaamiga ah kuwooda ugu waaweyn ee ku yaalla dalka Ingariiska ayaa jawaab ka bixisay hadalka kasoo yeeray wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Hinidya.

Waxa ay sheegtay in jaaliyadda muslimka ah ee ku magaalada Lister ay dhibane u noqotay naceybka ka dhanka ah Musimiinta ee ka jira halkaas, iyadoona intaasi ku dartay iney si adag u dhaleeceyneyso falalka nuucaan ah ee ay Muslimiinta kula kulmayaan Mandiqadda.

Waxay intaas sii raacisay in tani ay eheen markii ugu horreysay ee ay dhacaan falalka nuucaan ah, balse ay horay Muslimiinta ula kulmeen tacaddiyaad kala duwan oo uga imaanaya gaalada ku nool Ingariiska, haddii ay ahaayeen kuwa dhaladka ah ee kasoo jeeda dalkaas, iyo kuwa kale sida Hinduuska hadda dhibaatada ku haya Muslimiinta magaalada Lister.

Si guud ahaaneed gaalada ayaa kawada siman cadaawadda ay u hayaan Muslimiinta haba ku lala bataane, waxa kaliya ee looga bixi karo dhibaatadaas ayaana ah halgan iyo jihaad ka dhan ah dhammaan nuucyada kala duwan ee gaalada, qowmna jihaadka kama tago illaa waa ay dulloobaan.

Dhageyso Warbixin Naceybka ka dhanka ah Muslimiinta ee ay abuureyso dowladda Hindiya oo dibadda u gudbay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.