Qaraxyo Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Ee Qansaxdheere.

Qaraxyo waa weyn ayaa waxay ka dhaceen maanta gudaha garoonka diyaaradaha degmada Qansaxdheere ee Wilaayadda Baay.

Qaraxa koobaad ayaa lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa gudaha garoonka Qansaxdheere, iyagoo halkaasi ku sugayay diyaarad Xamuul ah oo ay leeyihin ciidamada Itoobiya oo ku soo dagaysay garoonka.

Ciidamadii Qaraxa lala eegtay waxaa gaaray khasaaro xoogan, iyadoona ay baaqatay diyaaradii la sugayay ee xamuulka ahayd cabsi darted.

Dhanka kale Qaraxa koobaad markii uu dhacay waxaa timid diyaarad Helicoter ah taasoo doonaysay inay qaado meydadka iyo dhaawaca Askarta Itoobiyaanka ee khasaaraha uu ka soo gaaray Qaraxa koobaad.

Markii ay timid diyaarada Helicoter-ka ah ayaa waxaa dhacay Qaraxii labaad oo gudaha garoonka ka dhacay, lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa labaad.

Xabashidu waxay markii dambe jareen Isgaarsiintii Qansaxdheere, si aan loo ogaan khasaaraha ka dhashay Qaraxyada maanta ka dhacay garoonka degmada Qansaxdheere.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.