Saraakiil Ka Tirsan Galmudug oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Qarax Ka Dhacay Duleedka Baxdo.
Guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-SHabaab ayaa duleedka deegaanka Baxdo ee Wilaayada Galgaduud qarax kula eegtay askar ka tirsan ciidanka maamulka Galmudug.
Sida ay goob joogayaal xaqiijinayaan, qaraxa ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidankii la beegsaday.
DF saraakiil ka tirsan ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay Sargaal lagu magacaaboi jiray Mahad Aflax oo kamid ahaa Saraakiisha maamulka Galmudug.
Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay Taliyaha Booliska degaanka Baxdo kaasi oo isna lagu magacaabo Maxamed Feerro-Geelle.
Sida aan wararka ku heleyno dhaawaca sarkaalkaasi waa mid culus kadib markii uu qaruxu wax yeello xooggan u geystay.
Intaa waxa dheer oo qaraxa ku dhaawacmay askari kamid ahaa kuwii la socday saraakiishaasi, wadarta guud ee khasaaraha ayaa ah 1 dhimasho ah iyo 2 dhaawac ah.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si dardar leh ku wada dagaalada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.