Saraakiil Ka Tirsanaa DF oo Ku Go’ay Dagaaladii Ugu Dambeeyay Ee Hiiraan.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa khasaaraha dagaaladii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya halkaasoo ay isku fara saareen ciidanka milatariga Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa DF oo garabsanaya diyaaradaha Mareykanka.

Dagaalada oo ka dhacay degaanka booco iyo nawaaxigiisa ayaa waxaa khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada DF, waxaana isi soo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee gaaray iyadoo la helayo magacyada saraakiisha ugu caansan ee ku baxay dagaalka.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay saraakiishii ugu sarraysay ee hoggaaminayay duullaankii maalin ka hor ay ciidamada huwanta ah ku qaadeen deegaanka Booco sida ay sheegayaan warar aan ka heleyno labada dhinac ee goobta ku hardamay.

Baraha bulshada ayaa waxaa wareegaya sawirrada saraakiisha dowladda looga dilay dagaalka kuwaasoo ay baahiyeen ehelladooda iyo mas’uuliyiin, waxaana kuwa magacyadooda la shaaciyay kamid ah Abuukar Sayid Cali oo darajadiisa ciidan ay aheyd 2 xidigle, ahaana taliyaha ciidanka Gorgor ee maamulka Hirshabelle.

Waxa kale oo dagaalkii Booco lagu dilay Axmed Jaamac Dhulun oo kamid ahaa saraakiishii ay ciidamada Mareykanku ku tababareen saldhigga Balidoogle, Axmad ayaa tababarro dhowr ah ku qaatay xerada Ballidoogle iyo dalka dibaddiisa.

Meydadka iyo dhaawacyada ciidamada DF ayaa loo kala qaaday Muqdisho iyo Baladweyne, waxaana wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada ee soo gaaray shalay uu kor u dhaafayo 20 askari. Qaar kamid ah saraakiisha DF ee ku dhaawacmay dagaalka ayaa xaaladdooda caafimaad laga deyrinayaa kadib markii qaraxyo lala beegsaday, halka kuwa kale ay wax ku noqdeen dagaalada tooska ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.