Sawirro: Ciidanka Al-Shabaab oo Dib Ula Wareegay Degaanka Booco Ee Hiiraan.

Ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta dhoollatus milatari ka sameeyay degaanka Booco ee wilaayada Hiiraan halkaasoo ay maalintii shalay kala wareegeen si dagaal la’aan ah ciidamadii huwanta ahaa.
Waxaa la arkayaa wadooyinka iyo suuqa iyagoo dhex maraya islamarkaana sita calanka towxiidka, ciidamada ayaa ah kuwa aad u qalabaysan islamarkaana ay farxadi ka muuqato maadaama ay cadawgoodii ka saareen degaanka.
Booco oo kamid ah degaanada hoos taga magaalada Baladweyne ayaa waxaa dib uga hanaqaaday ku dhaqanka shareecada islaamka, waxaana soo laabasho billaabaya dadkii horey u barakacay markii ay ciidanka DF imanayeen.
You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.