Sawirro+Maqal: Al-Shabaab oo Raashin Ka Qeybiyay Aadan Yabaal.
Gudiga gurmadka abaaraha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta raashin ka qeybiyay degmada Aadan Yabaal ee wilaayada Sh/dhexe, waxaana raashinkan ka faa’iideystay ku dhawaad boqol qoys, waana markii labaad xilli kal hore raashinka loo qeybiyay boqollaal qoys.
Raashin qeybinta ayaa kasii socota degmooyin iyo degaano kale oo ka tirsan wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe, waxaana loogu tala galay in dadku sii quutaan inta laga sugayo roobka deyrta oo Allaah laga rajeynayo.
Bulsahda Aadan Yabaal ayaa dareen farxad leh kusoo dhaweeyay hawlaha gurmadka ah, waxaana uu mashruucan kusoo aadayaa iyadoo dhawaan degmada laga hir galiyay mashruuc horumarin tacliineed oo loogu magac daray caalimkii weynaa Alle ha u naxariistee Sh/Nuur M. C/raxmaan.
Halkan Ka Degso Dareenka Dadkii Raashinka La Siiyay
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA