Sh/Cali Dheere: “Xassan Sheekh Waxaanu Leenahay Dhaartu Waa Inoo Dhaartaadii” (Daawo Muuqaal Cusub)
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/Cali Maxamuud Raage oo khudbad u jeedinayay in ka badan 1000 (kun) askari oo ka qalin jabiyay xerada tababarka sare ee Sayid Maxamad Cabdulle Xassan ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda dalku marayo, wuxuuna shaaca ka qaaday iney dagaal adag kala hor tagi doonaan Xassan Sheekh iyo xukuumaddiisa.
Sh/Cali ayaa diray dingiin far waaweyn ku qoran tahay, sidoo kale wuxuu jawaab ka bixiyay hanjabaadii iyo goodii isdaba joogga ahaa ee Xassan Sheekh. “Xasan Sheekh iyo kuwa la socda waxaan leeyahay, dhaarta aad dhaarateen ayaa inoo dhaara, laba dhaar ma jireyso, waxaana rajeynayaa in wakhti aan ku kala bixi doono dagaalka”