Taliye Sirdoon oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobolka Gedo.
Dagaal khasaare sababay ayaa maanta ka dhacay gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya kaasoo dhex maray ciidamada milatariga ee Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa DF ee ay Xabashidu tababartay.
Dagaalada ayaa ka dhacay deegaanka Carracase oo udhaxeeyay degmooyinka Beledxaawo iyo Garabahaaarey iyadoona faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Dad degaan ah ayaa inoo sheegay in 5 askari oo uu ku jiro taliyihii nabad sugidda degmada Beled Xaawo ay ku dhinteen dagaalka, waxaana taliyaha lagu magacaabi jiray C/Rashiid Macallin Dhataaye.
Degaankii uu dagaalku ka dhacay ayaa xaaladdiisu aad u daggan tahay kadib markii halkaasi laga difaacay ciidamada DF, kuwaasi oo la carraabay meydad iyo dhaawacyo.