Tirada Umuyiinta kunool Wadamada Carabta Oo korortay. (Dhagayso Warbixin)

 

Horaantii sideetameeyadii qanrigii 20-aad, waxaa inta badan qoraallada iyo maqaalaadka laga qorayay arimaha la xiriira waxbarashada gaar ahaan qeybta asaasiga ah ay tilmaamayeen in horaanta sanadka 2000 ay adduunka aad ugu yaraan doonaan dadka Umuyiinta ah ee aan aqoon qoraalka iyo akhriska, si gaar ah marka laga hadlayo wadamad carbeed, laakiin tirakoobyada hadda soo baxaya ayaa muujinaya wax ka duwan rajadaas.

Afar meelood hal meel guud ahaan dadka kunool dhulka ballaaran ee ay carabtu degaan waxay tirakoobyadu muujinayaan inaaney ku wanaagsaneyn qoraalka iyo akhrinta, taasoo ah asaaska waxbarashada noocyadeeda kala duwan sida waxbarashaada sharciga ah iyo tan maadigaba.

Warbixin kasoo baxday hay’adda waxbarashada iyo Tarbiyada ee carbeed, magaceedana loo soo gaabiyo Aalasko ayaa lagu tilmaamay 69 malyan oo qof oo kunool wadamada carbed, da’dooduna ka weyntahay 15 sano aaney aqoon fiican u lahayn qorista iyo akhrinta farta, taasoo ka dhigan in dad aad u badan oo welibo dhalinyaro iyo duqow isuga jira aaney ku wanaagsaneyn xaga waxbarashada.

Si guud caalamka marka laga hadlo waxaa Iyana kusoo badanaya dadka Umuyiinta ah ee aan aqoonin wax qorista iyo wax akhrinta intuba, website-ka qaramada Midoobay tirakoob lagu soo bandhigay waxaa lagu sheegay in 773 malyan oo dhalinyaro ah aaney aqoon u lahayn wax akhrinta iyo wax qorista guud ahaan caalamka, 9% tiradaas waxay ku nooshahay wadamada carbeed.

Warbixinad sanadle ah oo lagu eego oo xooga saarto wadciga dhaqaale ee dalalka carabta ayaa lagu sheegay in sanadkii 2019-ka la diiwan geliyay in 25% guud ahana dadka ku nool wadamada carbeed aaney aqoon u lahayn wax qorista iyo wax akhrinta, taasoo ka dhigan koror xoog leh laakiin waxay ka yareyd tirade la diiwaan geliyay sanadkii 2011-ka oo gaareysya 27%.

Tani waxay ka dhigantahay in dadaal lagu sameeyay wax ku dhow toban sano oo ka socday wadamada carbeed ay horseeday keliya iney dhinto tirade Umuyiinta wax aan gaarsiineyn 2%, waana arin muujinaya sida dad badan ay uga oomanyihin adawaatka waxbarashada, maadaama wax qorista iyo wax akhrintuba yihin albaabada ugu horeeyo ee laga galo waxbarashada.

Marka laga reebo wadamada dhaca koonfurta Africa iyo bariga Asia, mandiqadda carbeed ayaa ah goobaha ay kunoolyihin dadka ugu badan ee aan waxba qorin waxna akhrin, taasina lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Marka laga hadlayo ragga iyo dumarka cida ay ku badantahay Umuyida, sida tirakoobyada ay muujinayaan waa dumarka, warbixinta sanadlaha ee uu daabacay gudiga ka hadla dhaqaalaha carabta ayaa sheegaya in 14% yihiin rag, halka 16% ay yihiin dumar.

Halkan ka dhagayso Warbixin Umuyiinta kunool wadamada Carabta

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.