Wasiirka Warfaafinta Koofurgalbeed oo Ka Orday Istaafkiisii Kadibna La Dilay.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal shalay ka dhacay muddo 3 goor ah degaanka Seydheelow oo hoos taga magaalada Baydhabo kaasoo dhex maray ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa maamulka Koofurgalbeed.

Wasiirka warfaafinta koonfurgalbeed Ilyaas Cali Niikiyoow ayaa shalay si dirqi ah uga badbaaday inuu ku dhaco gacanta dagaalyahannada Al Shabaab wuxuuna kasoo cararay ilaaladiisii gaarka aheyd iyo ciyaalkii uu kusoo tashkiiliyey in muuqaallo loo soo duubo bartiisa TIKTOK.

Dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaanka Seydheeloow ee gobolka Baay ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 15 askari halka labaatameeyo kale ay ku dhaawacmeen.

Degmada Labaatan Jiroow ayaa lagusoo bandhigay meydadka 12 askari oo lagu dilay dagaalkii shalay Seydheeloow ka dhacay, ciidamada wilaayada islaamiga Bay ayaa si adag udifaacday dhammaan deegaannadii lagu dagaallamay oo dhaca duleedyada Baydhabo.

 Hoos ka daawo sawirrada.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.