Weerar Cagmarin Ah Oo Ka Dhacay Sh/Hoose Iyo Mus’uul Lagu Dilay Muqdisho.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar cagmarin ah oo ciidamada milatariga Xarakada Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen saldhig askarta DF ay ku leeyihiin degaanka Warmaxan ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid culus islamarkaana cagta lagu mariyay saldhigga ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho oo soo gaaray askartii halka la weeraray.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah waxaa weerarkan lagu dilay 6 askari oo katirsanaa ciidanka DF, halka askari kalena isaga oo nool gacanta lagu dhigay, sidoo kale waxaa dagaalka lagu soo furtay shan qori oo AK-47 ah iyo booshashkoodda iyo hal moota.

Dhanka kale howlgal qorshaysan oo xalay ka dhacay suuqa weyn ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya.

Sida ay tilmaamayaan wararka halkaas laga helayo mus’uulkan la khaariyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Wiish, waxaana howlgalka lagu dilay ka danbeeyay rag hubeysan oo katirsan ciidamada gaarka ah ee Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay iyo maanta waxay howgallo kale ka fuliyeen gobolada Banaadir, Sh/Hoose, Baay iyo Jubbada Hoose, waxaana kamid ah howlgal xalay ka dhacay Afgooye oo lagu dilay askari la oran jiray Ilyaas Cali iyo qaraxyo lagu dilay 1 askari 2 kalana lagu dhaawacay oo maanta ka dhacay deegaanka Yoontoy ee duleedka magaalada Kismaayo.

You might also like
1 Comment
  1. Hamza says

    Guul ciidanka islamka xarakatul alshabab mujaxidin

Leave A Reply

Your email address will not be published.