Weeraro Mas’uuliyiin Ciidan Lagu Dilay Gaadiidna Lagu Gubay oo Ka Dhacay Galgaduud Iyo Hiiraan.
Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaa maanta ka kala dhacay weeraro kala duwan oo kahsaare lagu gaarsiiyay ciidamo iyo saraakiil islamarkaana gaadiid lagu gubay kadib markii qaraxyo lala beegsaday.
Dhanka Hiiraan haddaan ku horreyno, qarax culus wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalada Beledweyne iyo deegaanka Halgan kaasoo lala eegtay gaari uu la socday sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowlada.
Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay Col. Barre Ceyroow taliyihii qeybta Zaadka guutada 5aad ee ciidamada DF iyo 6 askari oo la socotay halka kuwa kale ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada dowladda, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay meel ku dhow deegaanka Garisyaani.
Geesta kale qarax culus ayaa duleedka bari ee magaalada Beledweyne lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan maamulka Hirshabelle.
Goobjoogayaal iyo ilo wareedyo ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen illaa 2 askari islamarkaana ay ku dhaawacmeen 4 kale, dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa kamid ah guddoomiye ku xigeenka deegaanka Feerfeer oo la yiraahdo Gacma duulle.