Xassaan Sheekh oo U Dawarsi Tagay Mareykanka Kuna Faanay Inuu Madax Mareykan Ah La Kulmay.

Xassan Sheekh ayaa shalay sheegay in madaxweynaha Eratariya uu diiday in Soomaaliya lagu soo celiyo ciidankii halkaa lagu tababarayay.

Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud oo maalmahan wareegaya carriga reer galbeedka ayaa ku jira dawarsi cad isagoo Mareykanka ka dalbaday iney taageeraan dowladdiisa taagta daran.

Wuxuu si kal iyo laab ah ugu faanay qeybaha dowladda Mareykanka iyo hey’adaha uu la kulmay oo ay kamid yihiin kuwa aqalka cad, dadka uu la kulmay ayaa u badnaa haween sida laga dheehanayay sawirrada laga soo qaaday.

“Waxaan shalay iyo maanta galay shirar isku xig xigay oo aan kala har laheyn, Pentagon-ka ayaa shir ku galnay, white house-kaa tagnay, Sate Baarlamaanka tagnay, dhammaan madaxd hey’adahaas kala duwan ayaan aragnay si guul ah ayey kusoo dhammaadeen, dowladda Mareyanka ee xilligaan jirta way ka go’an tahay inay Soomaaliya kaalmeyso” sidaasi waxaa yiri Xassan Sheekh oo ka hor hadlayay dad u badan kuwa xilal kasoo qabtay dowladihii hore.

Xassan Sheekh ayaa aaminsan in Mareykanka iyo shisheeyaha lamidka ah ay dowladdiisa dhidibada u adkeyn karaan iyadoo aan ognahay in Mareykanka iyo xulufadiisu ay awoodi waayeen iney Afganistaan ka dhisaan dowlad u dhaga nugul oo qawaaniintooda ku dhaqmeysa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.