Xassan Sheekh oo Mucaarado Badan Ku Kiciyay Laftagareen. (Warbixin)
Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud ayaa mucaarado badan ku abaabulay hogaamiyaha maamulka Koofurgalbeed ee uu hadda fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, Cabdicasiis Laftagareen.
Kulan ballaaran oo ay yeesheen siyaasiyiin ay kamid yihiin xildhibaano oo soo baritaaray Xassan Sheekh ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ka dhanka ah Laftagareen iyo in uu muddo kororsi sameeyo.
Madasha oo ay ka dhex muuqdeen xubno uu kamid yahay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamad Cusmaan Jawaari ayaa waxaa lagu tilmaamay in muddo xileedka hogaamiyahaasi uu ku egyahay 18 bisha Desember ee sannadkan 2022 oo ay bil iyo maalmo ka harsan yihiin.
Waxay sidoo kale sharci darro ku tilmaameen xildhibaano uu horey baarlamaanka KG uga eryay Laftagareen waxayna soo jeediyeen in kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka laga soo qeyb galiyo xildhibaanadaas.
Xassan Sheekh ayaa ku fashilmay qorshe uu ku doonayay inuu meesha uga saaro madaxda maamul goboleedyadii uu keensaday Farmaajo kadib markii midkood uu muddo kororsi degdeg ah sameystay, waana Qoorqoor, halka Laftagareen uu ku xirtay Itoobiya oo ay is khilaafsan yihiin Xassan Sheekh.
Haddii culeyska lagu sii badiyo Laftagareen waxaa suura gal ah inuu ku doodo sababta Qoorqoor looga oggolaaday muddo kororsiga isagana loogu diiday. Madaxda DF ayaa lagu tilmaamaa kuwa ay dan gaar ah kulmisay waxaana dhacda in la is khilaafo markii ay laba maslaxadood iska hor yimaadaan.
Maamulka Puntland ee fadhigiisu yahay Garowe ayaa shalay kasoo hor jeestay shatiyo ay DF u goysay dowladda shiinaha islamarkaana u oggolaanaya in ay ka jilaabato xeebaha Soomaaliya.