Xildhibaan Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho kaasoo kamid ah ragga ugu da’da weyn ee ku jira golaha.
Waxaa lagu magacaabi jiray Maxamad Mursal Boorow, waxayna geeridiisu timid kadib markii ay xanuuno lasoo gudboonaadeen sida ay saxaafadda u sheegeen dad ehelladiisa ah.
Gudoomiyaha baarlamaanka, Aadan Maxamad Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay inuu u tacsiyeynayo xilhibaanka islamarkaana uu ka murugeysan yahay geeridiisa.
Xildhibaanada ayaa dhawaan billaabay in ay dib boorka uga jafaan xeerka Jinsiga oo sharciyeynaya qowmu-luudnimada iyo dhaqamo kale oo halis ah.