10 Ka Tirsan Liyu Bolis oo Lagu Dilay Bakool Iyo Qarax Ka Dhacay Duleedka Baladweyn.
Faahfaahin ayaa laga helayaa dagaal maanta ka dhacay gobolka Bakool kaasoo dhex maray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askarta Liyu Bolis oo u diiwaan gashay Itoobiya.
Dagaalka ayaa ka dhacay tuulada Quracle oo hoos tagta degaanka Washaaqo muddo kadibba waxaa halkaasi ku jabay askartii Itoobiyaanka u shaqeynayay ee Soomaalida ahaa (Liyu bolis)
Ugu yaraan 10 askari ayaa looga dilay goobta dagaalka halka tiro kale ay ka dhaawacmeen, waxaana lagu qasbay iney ka firxadaan halkii uu dagaalku ka dhacay, waxaa xusid mudan in ciidamada Al-Shabaab ay 10 kaasi askari kasoo furteen hubkii ay wateen.
Geesta kale qarax ayaa galabta ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan sid ay goobjoogayaal inoo xaqiijinayaan, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 ka tirsan ciidanka DF oo uu kamid yahay sarkaal laba xidigle ah.
DF ayaa waxaa ku socda dhiig bax joogto iyadoo ciidamada Xarakada Al-Shabaab sii laba jibaareen weeraradooda ka dhanka ah shisheeyaha.