63 Liyu Bolis Ah oo Lagu Dilay Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Bakool.
Dagaal culus oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya kaasoo dhex maray milatariga Xarakada Al-Shabaab iyo askarta Liyu Bolis ee Itoobiya.
Dagaalka oo ka dhacay degaanka Quracle oo hoos taga Ceelbarde ayaa waxaa shalay ka dhacay dhowr dagaal iyadoo dagaal walba ay sidiisa tafaasiil uga soo baxaysa, waxaana marka la isku daro khasaaraha Liyu uu gaaraya 63 dhimasho ah iyo 80 dhaawac ah sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Ciidanka Al-Shabaab ayaa hub ku furtay dagaaladii shalay.
Liyu saraakiil badan ayaa dagaalka looga dilay marka laga yimaado ciidamada, waxaana saraakiishaasi ugu caansan 1-Saliid. 2-Dhaqane, 3-Cabdi Risaaq. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa saaka deggan.
Itoobiya ayaa maamulka ay ka sameysatay dhulka Soomaali galbeed ee gumeysiga ku hoos jira kusoo fidineysa Soomaaliya inteeda kale iyadoo isku dayeysa iney ku qabsato malleyshiyo Soomaali ah oo ay u bixisay Liyu bolis.