Qaraxyo Mataano Ah Oo Lala Beegsaday Xerun Ku Taalla Baladweyne.

Wararka ka imaanaya magaalada baladweyne ayaa sheegaya in Jugta qaraxyo waaweyn goor sii horreysay laga maqlay kuwaasoo gilgilay bariga magaalada, halka ay ka dhaceen waxaa ku yaalla xarumo uu leeyahay maamulka ‘Hirshabelle’.

Qaraxyada ayaa lala beegsaday xarunta Lamagalaay oo ah halka ay kuyaallaan inta badan xafiisyada maamulka gobolka sida ay sheegayaan goobjoogayaal. Qaraxyada ayaa burburiyay dhamaan xafiisyadii maamulka Hirshabelle ee magaalda Baladweyne sid Madaxtooyada, xafiiska gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo xafiiska gudoomiyaha degmada Baladweyne.

War kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegatay masuuliyada qaraxyada waxaana afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab uu sheegay in weerar ishtish-haadi ay ku ku beegsadeen xerada Lagamagalaay ee magaalada Baladweyne.

“Waxaa xumaha la beegsaday ku sugnaa mujrimiinta ugu sareysa maamulka ridada ugu magacaaban Hiiraan. Khasaare lixaad leh baa halkaas ka soo gaaray. Masuuliyiin, saraakiil ciidan, kuwo maamul iyo askar intaba waa ay ku waaween halkaas. Waxaa kale oo jira khasaare soo gaaray askarta Hiil-Gaalo ee laga keenay Jabuuti kuwaas oo ilaalo ka ahaa xarumaha la weeraray. Intaas ayaan hada idinla wadaagi karnaa, wixii soo kordhana dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha’Allaah” ayuu yiri Sheekh Abu Muscab.

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Hirshabelle ayaa xiray goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, waxaana lasoo sheegayaa dhimasho, dhaawac iyo burbur aad xooggan oo ka dhacay goobta.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in mas’uuliyiin sarsare oo katirsan maamulka ‘Hirshabelle’ ay ku dhinteen qaraxa waxaana kamid ah mas’uuliyiintaas gudoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maaddey iyo Wasiirkii caafimaadka Hirshabeelle Zakariye iyo saraakiil kale.

You might also like
1 Comment
  1. Hamza says

    Allahu akbar cizi iyo sharaf babiciya munafiqinta mujahido setting labaha aniga aad iyo aad idin tagera aniga wan murge marki an maqle mujahidinta dalka lagasaaraya murug lamasokobin kariin igudhace .aniga waxan raba inad holgal kafulisan barawe ciidamo aya ladiyarinoya sida dagal kuqadan kunya barro iyo melaha kale munafiqiinta waxa lagakene baydhabo malin kasta magalada xabad aya tuturayan wadnaha na istajiraban munafiqinata barawe kusugan mujaxiido hur dada kakaca aniga awodeda waduco

Leave A Reply

Your email address will not be published.