Al-furqaan oo Ka Hadashay Warka Kasoo Baxay DF Ee Ku Wajahan Saxaafadda.

Maamulka warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan waxaa la yaab ku ah warka kasoo baxay DF ee lagu sheegay in la xiray mareegta warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan sidoo kalana lagu sheegay iney tahay mid faafisa wararka waxa loogu yeeray (xagjirnimada ah)

Al-furqaan oo ah warbaahin caan ka ah Soomaaliya ayaa muddo dheer soo shaqeeneysay waxayna bulshadu uga baratay xaqiiq, hufnaan iyo dheellitir, iyadoo xoogga saarta wacyi galinta iyo waxbaridda bulshada, waxaa uuna maamulku beeninayaa warka DF ee aan sida ka fiirsiga lahayn loogu tuuray Al-furqaan. Alfurqaan waa warbaahin Soomaaliyeed oo madaxbannaan.

“Dowladda Soomaaliya marnaba sooma hadal qaadin baahinta cilmaaniyadda, ilxaadka qowmuluudnimada, diin caayga iyo wax intaas ka badan oo dhib ku ah mabaadi’da iyo caqiidada umadda Soomaaliyeed, waxaana la yaabannahay sida ay kuwaasi xorriyadda u siisay dimuqraadiyadda lagu celcelinayay dhanka kalana ay xorriyadda uga qaadi karto warbaahin diinta iyo dacwada faafisa sida Al-furqaan oo kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan.

Al-furqaan ayaa cambaareysay falka laablakaca u muuqda ee ay ku dhawaaqday DF, waxayna bulshada Soomaaliyeed iyo dhageystayaasheedaba u ballan qaadeysaa iney sii wadeyso akhbaaraadkii iyo duruustii ay usoo gudbin jirtay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.