Al-Shabaab: “Farriin Ku Socota Culimada & Ganacsatada Soomaaliyeed” (Warsaxaafadeed)

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor dhow baahisay warsaxaafadeed xambaarsan farriimo muhiim ah kaasoo nuqul kamid ah uu kusoo dhacay warqabadka warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan.

HALKAN KALA DEG WARSAXAAFADEEDKA OO PDF AH

Warsaxaafadeedkan ayaa xambaarsan farriimo ku wajahan culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ugu horreyn lagu billaabay sida tan: “Iyadoo wadankeena Soomaaliya uu wajahayo duullaan Saliibi ah oo beegsanaya dhinac walba oo kamid ah jiritaanka bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah ayaa waxaa xilligan sii xoogeystay isku dayada Saliibiyiinta iyo Murtadiinta ee lagu doonayo in lagu banaysto diinta, nafta, maalka iyo cirdiga Muslimiinta Soomaaliyeed. Xukuumada uu madaxada u yahay Xassan Sheekh Maxamuud ayaa tallaabadii ugu dambaysay ee ay qaaday waxaa ay ugu hanjabtay ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu goodisay inay hantodooda qaadan doonaan, ganacsigooda baabi’in doonaan, kana mamnuuci doonaan inay dalka ka shaqaystaan iyadoo ugu marmarsiyoonaya in ganacsatadaas ay Mujaahidiinta xiriir laleeyihiin” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Intaasi kadib Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caddeysay ineysan waxka ka jirin eedaha DF ee ka dhanka ah ganacsatada Soomaaliyeed: ” Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay cadaynaysaa inaysan waxba ka jirin eedaha ay kooxda ridada ah ee uu madaxda ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud u jeedinayso ganacsatada ee ku aadan xiriirka ay la leeyihiin Mujaahidiinta. Xarakada Al-Shabaab waxay cadaynaysaa in ujeedada ugu muhiimsan ee ay kooxda ridada eedahaas been abuurka ah ugu soo jeedinayso ganacsatada ay tahay sidii ay marmarsiiyo uga dhigan lahayd boobka iyo la wareegitaanka hantidada ganacsatada iyo burburinta dhaqaalaha ummada Soomaaliyeed”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa sheegtay ineysan ahayn Xarako ganacsi islamarkaana aysan aqbaleyn in magaceeda marmarsiyo looga dhigto boobka ummadda: “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ma aha Xarako ganacsi, mana aqbalayso in magaceeda marmarsiiyo looga dhigto lagu bannaysto boobka hantida bulshada Soomaaliyeed. Waxaan ku dhiirigelinaynaa ganacsatada Soomaaliyeed inay hantidooda ka difaacdaan qawlaysatada murtadiinta ah ee doonaya inay xoolahooda dhacaan, naftooda iyo cirdigoodana ku xadgudbaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qodobka labaad ee muhiimka ah ee uu ka hadlay warsaxaafadeedku waa baaqii Xassan Sheekh ee ku wajahnaa culimada Soomaaliyeed, waxaana lagu yiri: “Sidoo kale, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay uga digaysaa culumada Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed inay aqbalaan codsigii uga yimid madaxa kooxda ridada ah Xassan Sheekh Maxamuud, kaas oo ka baryay culumada inay maamulkiisa ridada ah taageeraan. Wuxuu doonayaa inaad qalinka ku duugtaan oo aad islaamisaan nidaamkiisa ridada ah, kuna been abuurataan Allaah subxaanahu watacaalaa sidaba caadada u ah wadaad ku sheegyadooda.

قال تعالى: ﴿فَوَيْلٌ لِلَّذِينَ يَكْتُبُونَ الْكِتَابَ بِأَيْدِيهِمْ ثُمَّ يَقُولُونَ هَذَا مِنْ عِنْدِ اللَّهِ لِيَشْتَرُوا بِهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَوَيْلٌ لَهُمْ مِمَّا كَتَبَتْ أَيْدِيهِمْ وَوَيْلٌ لَهُمْ مِمَّا يَكْسِبُونَ﴾ [البقرة: 79]”.

Ugu dambeyntii waxaa warsaxaafadeedka lagu yiri: “Baaqa Xassan Sheekh ee culimada ku wajahan ayaa muujinaya sida ay fashilmeen bulshadana ugu hor fadeexoobeen wadaad-xumayaashiisa. Waxay Culumada Islaamku isku waafaqsanyihiin in wilaayada Islaamka uusan qof gaal ama murtad ah, sida Xassan Sheekh oo kale ah, uusan qaban karin, Muslimiintana uusan madax u noqon karin, xilna u hayn karin. Sidaas dareedeed, culumada uu ugu baaqay inay xukuumadiisa taageeraan waa in ay ogaadaan waxa loogu baaqayo inay tahay gaalnimo cad iyo Shareecada Islaamka oo lala dagaalamo, mana jirto cudur daar Ilaahay agtiisa looga helayo in gaaladaas dalkeena ku soo duushay iyo dabadhilifyadooda lagu waafaqo duminta tiirarka Islaamka iyo garabsiinta cadwga Islaamka”

DF ayaa maalmihii lasoo dhaafay sida dowlad kale oo cadaw ah ugu hanjabeysay ganacsatada Soomaalida oo la daalaa dhacaya dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan kuwa ka heysta shirkadaha ajnabiga ah ee lagu wareejiyay dekedda Muqdisho iyo canshuurta xaddhaafka ah ee laga qaato taasoo baddiilkii loogu celin lahaa laga dhigay in loo hanjabo oo xoolahooda la xalaashado.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.