Al-Shabaab oo Cagta Mariyay Saldhig Ay Kenya Ku Lahayd Mandheera.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka hawlgala gudaha Kenya iyo dhulalka muslimiinta ee xoogga lagu haysto ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay weerar culus oo ay ku qaadeen saldhig ku yaalla gobolka Mandheera.
Weerarka oo cag marin ahaa ayaa waxay maanta ku qaadeen fariisin ay ciidanka Home Guard ee dowladda Kenya ku leeyihiin degaanka Libaaxyo oo hoostaga degmada Carabiya ee gobalka Mandheera.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u xaqiijiyay in ciidamadaasi ay isaga carareen xerada taasoo Mujaahidiinta u suura galisay iney si buuxda ula wareegaan degaanka.
Hawlgal ay ciidamada Al-Shabaab ka sameeyeen xerada ayaa waxaa kusoo furteen wixii agab milatari ahaa ee yiilay, intaasi kadina waxay sameeyeen hawlgal kale oo gaar ah kaasoo ay ku burburiyeen System-kii sharikadda isgaarsiinta ee xukuumadda Nairobi oo loo yaqaano Safircom ee degaanka.
Dhanka kale ciidamada Kenya ayaa jaray isgaarsiinta deegaanka Haluungo oo hoostaga degmadda Lafeey kadib dagaal habeenkii xalay halkaasi ka dhacay kuna dhex maray iyaga iyo ciidamada Xarakada Al-Shabaab.
Dowladda Kenya oo horey dhul Soomaaliyeed u heysatay ayaa sannadkii 2011 duullaan ku qabsatay qeybo kamid ah Jubbada Hoose iyo Gedo iyadoo sameysatay maamulka Jubbaland islamarkaana maamulata dekedda magaalada Kismaayo.