Al-Shabaab oo Dib Ula Wareegay In Ka Badan 12 Degaan oo Dhaca Bariga Hiiraan.

Ciidamada wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa si rasmi ah ula wareegay bariga wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan halkaasoo ay todobaadkii lasoo dhaafay gaareen ciidamo isugu jira kuwa Mareykanku tababartay, kuwa Hirshabelle iyo malleyshiyo.

Degaankii ugu dambeeyay ee ay ka carareen ciidamadaasi waa Moqokori kadib markii dorraad ciidamadaasi lagu weeraray degaanka Ceel-qooxle lagana dilay 30 isugu jira hogaamiyaal iyo ciidamo.

Dadka degaanka ayaa soo dhaweeyay ciidamada Mujaahidiinta, waxaana xusid mudan in 12 degaan ay si rasmi ah ugu soo laabteen ku dhaqanka shareecada islaamka, waxaana kamid ah:

Dagaal lagu hoobtay ayaa maalin kahor ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-Qooxle kaas oo lagu dilay ugu yaraan 30 ka tirsan ciidanka dowlada oo ay ku jiraan horjoogeyaashii ugu muhiimsanaa ee lahaa abaabulka dagaalka.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo, ciidamada DF iyo macawiisleyda ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan markii ay soo dul dageen ciidamo fara badan oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab, waxayna go’aansadeen inay faarujiyaan Moqokori iyo dhamaan deegaanada kale ee ay ka joogeen bariga Hiiraan.

Deegaanada ay isaga baxeen ciidamada Dowladda ee durbaba kusoo dhacay gacanta Al-Shabaab ayaa gaaraya ilaa 12 deegaan waxayna kala yihiin: Moqokori, Ceel-Qooxle, Tardo, Yasooman, Abooreey, Beera-Yabaal, Booco, Cabdi Cagweyn, Jicibow Bari, Nuur Fanax, Ceelehelay, iyo Garasaani.

You might also like
1 Comment
  1. Hamza says

    Gul gul iyo gesii nimo ciidamada islamka cinta dhiman gacanta sogiliya kadib masuq masuuq kajirto casimada somalia mugdisho hog Sara sida mar dambe ficiladan Nocan ah kadhicin dadka shacabka aha qori lodhibo hab qabil dumiya qabailada kadib shesheyaha awod maheli dona somalia dhamantisa waxa kudhacaya gacanta mujahidinta asc

Leave A Reply

Your email address will not be published.