Al-Shabaab oo Sheegay In 117 Askari Ay Ku Dileen Dagaaladii Saaka Ka Dhacay Duleedka Buuloburde.

Taliska ciidanka Xarakada Mujaahiidiinta Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray dagaalo culus oo ay saaka ku qaadeen degaano dhaca duleedka Buuloburde oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda federaalka iyo malleyshiyaad macawiisley ah.

Dagaalada oo labo kamid ah lagu qaaday laba xero oo ay ciidanka ashaamudku ku lahaayeen Yasooman, midka sadaxaadka lagu ekeeyay xero ay ku lahaayeen Beero Yabaal ayaa waxaa ka dhashay khasaare lixaad leh.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaaladaasi ku dishay 117 kuna soo furatay 9 gaari, halka sidoo kale ay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaaray ciidamadii weerarka lagula jarmaaday saaka aroortii.

“Allaah fadligii ciidamada Mujaahidiinta waxay saaka weeraro ku qaadeen saddex saldhig oo ku kala yaalla degaanada Yasooman iyo Beera-Yabaal oo dhaca duleedka degmada Buulaburte. howlgaladaas waxay Mujaahidiintu Allaah fadligii ku dileen ugu yaraan 117 askari oo isugu jira ciidanka kooxda ridada gaar ahaan kuwa uu Turkigu tabaray iyo iyo maleeshiyada macawiisleyda loo yaqaano. waxaan sidoo kale dagaalka ku soo ganiimeysanay hub, gaadiid iyo saanad ciidan” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Al-Shabaab, Sheekh Cabdil Casiis Abuu Muscab
Sidoo kale wuxuu yiri: “Mujaahidiintu waxay dagaalkaas ku soo ganiimeysteen 9 gaari oo kuwa ciidamada ah, kuwaas oo hadda ku jira gacanta Mujaahidiinta. waxaan kaloo gubnay 6 gaari intii uu dagaalku socday. Deegaanadiina waxaa hada gacanta ku haya ciidanka Mujaahidiinta”
Dagaalkan ayaa ka dhigan dhabar jab weyn oo soo gaaray dowladda federaalka, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa looga bartay xaqiiqda iyo caddeymo buuxa halka dowladda federaalku ay maalmihii lasoo dhaafay warar been abuur ah naf ka raadineysay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.