Al-Shabaab oo Weerar Afjarid Ah Kula Wareegay 3 Xero oo Ay DF Ku Lahayd Hiiraan.

Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka dagaal culus kula jarmaaday sadax fariisin oo ay ciidamada DF iyo kuwa macawiisley ahi ka joogeen degaano dhaca duleedka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Wariye Maxamad Ciise ayaa waxa uu soo sheegayaa in weerarada ciidamada Al-Shabaab ahaayeen kuwa xowli ah iyagoo markii koobaad jiiray saldhigga ciidamada ashaamudku ku lahaayeen Yasooman waxaana u xigay xero weyn oo ay isla degaanka ka degganaayeen ciidamo kale oo badan.

Labadaasi saldhig ayaa waxaa ugu dambeyntii la wareegay ciidamada Al-Shabaab, halka dhinacyadii la weeraray ay noqdeen wax dhinta iyo wax carara, waxa ayna Yasooman uga tageen meydadka ciidamadooda kuwaasoo ay qeybba meel taallo.

Mid kamid ah dadka degaanka Yasooman oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ciidamada DF ay ka carareen gabi ahaanba saanadooda indhihiisana uu ku arkayay Al-Shabaab oo raranaya, goob joogahan oo magaciisa u qariyay sababo ammaan aawgood ayaa intaasi ku daray in goobihii lagu dagaalamay ay bilqanyihiin meydadka ciidamada DF iyo macawiisleyda la baxay.

Dagaalka sadaxaad oo isna ahaa mid culus ayaa waxay ciidamada Mujaahidiintu ku ekeeyeen xarumaha ay ashaamudku ku lahaayeen degaanka Beerayabaal oo isna u dhow Buuloburde, waxaana ay natiijadu noqotay in askartaasi laga dhigo wax dhintay iyo wax nafta la baxsada.

Ciidamada wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaana xaqiijiyay la wareegitaanka goobahaas. War kasoo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Xarakadu ay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanada Yasooman iyo Beera-Yabaal. Waxaa hadalka kasoo baxay Al-Shabaab sidoo kale lagu sheegay in dhimasho iyo dhaawac farabadan la gaarsiiyay ciidamada huwanta ah, isla markaana uu jiro gaadiid dagaal oo ay ciidamada Al-Shabaab gacanta ku dhigeen.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidamada wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ay horey ula soo wareegeen inta badan degaanada ku teedsan wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Baladweyne iyo Buulobarde, waana taas midda keentay in Cali Jeyte iyo Macallimow ay dhulka mari waayaan islamarkaana diyaarad kasoo raacaan magaalada Baladweyne taasoo keentay Buulobarde.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.