Ciidamada Al-Shabaab oo Isku Fidiyay Qeybo Kamid Ah Wadada Isku Xirta Baladweyne Iyo Buuloburde. (Warbixin)
Kadib dagaallo maalmihii lasoo dhaafay dhacayay, waxay ciidamada milatariga Xarakada ee wilaayada Hiiraan isku fidiyeen qaybo kamid ah wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Buulaburde oo ah meelo istaraatiiji ah marka loo eego dagaalka.
Sida aan xogta ku heleyno waxay ciidamada Mujaahidiintu si buuxda gacanta ugu dhigeen qaybaha ugu muhiimsan wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Baladweyne iyo Buulaburde, iyagoo saldhigyo ka samaystay magaalooyinka iyo tuulooyin ku yaalla wadada laamiga ah.
Goobaha ay la wareegeen waxaa kamid ah magaalooyinta Nuur-Fanax iyo Garasyaani, kana samaysteen saldhigyada ciidan. Ciidamadii dawlada iyo kuwii macawiislayda ayaa dib ugu gurtay Magaalooyinka Baladweyne, Halgan iyo Buulaburde, halka magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya magaalooyinkaas ay Mujaahidiintu la wareegeen.
“Ciidankii carriga labaayay ee dowladda iyo macaawisleeydii la jirtay waxay ku aruureen Halgan, Baladweyne iyo Buulabarde, carrigii ay ka tageenoo dhanna waxaa yimid ciidankii Al-Shabaab oo raxanraxan u socda xaalkana hadda wuu fiican yahay” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan degaanka Nuur Fanax oo aan la xariirnay.
La wareegitaanka ciidamada Mujaahidiinta ee wadada laamiga ah ayaa ku qasabtay masuuliyiin ay ka mid yihiin Cali Jayte iyo xildhibaan Macalmuu inay shalay oo Isniin ahayd diyaarad ka raacaan Baladweyne kuna tagaan Buulaburde, arrintan ayaana muujineysa xaaladda dhabta ah ee ay ku biya shubatay colaadii laga hurinayay wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Macallimow ayaa ku dooday in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab yaqaanaan qaraxyo taasina ay keentay (sida uu yiri) in la daba gali waayo, xilli markii hore ay ku goodinayeen in ay tirtirayaan oo meel walba la wareegayaan islamarkaana wadooyinka isku furanayaan.
Deegaanka Jiciboow oo 20km u jira Buulaburde ayay sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen saacadihii lasoo dhaafay, arinkaas oo isaguna kala jaraya isku socodkii ciidamada dawlada iyo macawiislayda ee inta u dhaxaysa magaalooyinka Halgan iyo Buulaburde.