Dhageyso Waaliga Sh/Hoose oo Ka Warbixiyay Beegsiga Gudoomiyihii Qoryooley.
Sheekh Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka warbixiyay hawlgal gaar ah oo maanta ka dhacay degmada Qoryooley laguna dilay gudoomiyihii degmadaas.
Wuxuu sheegay iney si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqa gudoomiyaha kaasoo shalay uun kusoo laabtay Qoryooley kadib markii uu lasoo kulmay wasiirka arrimaha gudaha Axmad Macallin Fiqi, wuxuu xusay iney muddo badan ku daba jireen, maantana ay suura gashay in lasoo afjaro noloshiisii.
Wuxuu ku eedeeyay inuu ahaa nin bulshada dhib badan ku hayay iskuna daya inuu basaasiin ka dhigo inta badan shacabka, waxaana uu digniin u diray cid kasta oo sidiisa oo kale u shaqeysa isagoo u sheegay iney hadaf ka dhiganayaan.