Madaxweynaha Uganda oo Xassan Sheekh U Sheegay Inuusan Ka Adkeysiin Karin Al-Shabaab.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musaveni ayaa ka jawaab celiyay codsi uga yimid dhiggiisa Soomaalisa Xassan Sheekh Maxamuud kaasoo ahaa inuu ka kaalmeeyo dagaalka uu ku dhawaaqay ee ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ka hor inta aaney billaaban munaasabadda 60 guuradii kasoo wareegatay markii ay reer Uganda xoriyadda qaateen ayuu Xassan Sheekh kulan gaar ah la qaatay Musaveni kaasoo uu si calaacal ah uga codsaday kaalmo milatari oo ka dheeraad ah mida ay hadda Soomaaliya ku joogaan Uganda, isagoo ballan qaaday inuu diyaar la yahay qandaraasyo badan.

Xassan ayaa bixiyay warbixin uu ku muujinayo sida ay xaaladdu ugu xuntahay iyo sida aysan ciidamadiisu ugu filnayn la dagaalanka ciidanka milatariga Xarakada Al-Shabaab oo ah ciidan dhisan oo muddo 15 sano ka badan dagaal diini ah kusoo jiray.

Inkastoo Xassan uu saxiixay illaa 8 heshiis oo dhammaantood dan u ah Uganda, dhanka kalana aaney wax maslaxad ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed, ayuu haddana Musaveni ku khudbeeyay inuusan awoodin in uu DF ammaankeeda u sugo, balse uu awoodo inuu hub siiyo si ay isugu filnaato.

Uganda oo ay ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah ka joogaan Soomaaliya ayaa waxay duullaankeeda ku weysay boqollaal askari, halka ay wadankeeda ku dayacan yihiin boqollaal kale oo naafo ku noqday, waxaana xilligan ay ciidamadeedu kamid yihiin shisheeyaha meel walba lagu go’doomiyay.

Xassan Sheekh ayaa ah madaxweynihii ugu horreeyay ee soo mara Soomaaliya ee qabiil-qabiil u kala saara ciidankiisa kadib markii uu waayay qabaa’il si rasmi ah u qaata mashruucii ay Mareykanku usoo dhiibeen ee ahaa in la isticmaalo beelaha abaareysan ee tooda la daalaadhacaya.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.