Shabakad Basaasiin Ah oo U Shaqeynayay Mareykanka oo Lagu Dilay Saakow.

Fagaare ku yaalla degmada Saakow ee wilaayada Jubbooyinka ayaa waxaa maanta oo Khamiis ahayd lagu dilay 6 basaasiin ah oo u shaqeynayay Mareykanka kuwaasoo ka dambeeyay duqeymo lala beegsaday goobo uu kamid yahay isbitaalka guud ee degmada Saakow.

Basaasiinta ayaa maxkamadda islaamiga ah wilaayada Jubbooyinka horteeda mid mid uga qirtay dhibaatooyinkii ay geysteen iyo shaqooyinkii kala duwanaa ee ay u hayeen Mareykanka, intaa kadibna wuxuu qaadigu ka hadlay xukunkooda sharciga ah.

Wuxuu sheegay in ay muteen dil toogasho ah isagoo soo bandhigay adillooyin kitaabka iyo sunnada ah oo caddeynaya dilkooda iyo iney ku jaal noqdeen gaalada iyagana kamid yihiin. Dad aad u badan ayaa soo xaadiray goobta xukunka waxaana isqabsatay takbiirta dadweynaha (Allaahu akbar)

Magacyada Basaasiinta

1:Xassan Maxamed Aadan (Mustaf), da’diisuna tahay 33 jir.

2:C/Qaadir Maxamed Sheekhey Cali (Buule), da’duusuna tahay 29 jir.

3:C/llaahi C/raxmaan Ibraahim (Dalmar), da’diisuna tahay 27 jir.

4:Xassan Cali Xaaji C/raxmaan, da’diisuna tahay 43 jir.

5:C/Salaan Ibraahim Maxamed (Shaalle), da’diisuna tahay 38 jir.

6:C/Qaadir Xuseyn Cabdi oo loo yaqaanno (Gobal), da’diisuna tahay 22 jir.

Halkan Ka Degso Xukunka Maxkamadda Islaamiga AhMP3

Basaasnimada ayaa ah shaqo aad u liidata oo qofkeeda u horseeda adduun iyo aakhiro beel iyo sumcad xumo, wilaayaatka islaamiga ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dhul ay adagtahay inuu basaasku ku jilbo fidsado haddiiba marka hore ay u suura gasho inuu dhacdooyin geysto.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.