Sheekh Cali Dheere Muxuu Ka Yiri Dagaalkii Yasooman Yuuse Si Gaar Ah Ula Hadlay (Dhageyso)

Sheekh Cali Dheere; Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa shir jaraa’id ku faahfaahiyay dagaaladii shalay ka dhacay Yasooman iyo beer Yabaal oo u dhow degmada Buulobarde ee wilaayada Hiiraan.

Wuxuu sheegay in dagaaladaasi ay DF uga dileen 117 askari ayna suura gal tahay in khasaaruhu intaa ka bato, sidoo kale wuxuu xusay iney kala soo wareegeen 7 gaari iyo agabyo kale oo milatari, guushaasina wuxuu u tiiriyay gabi ahaanteedba Allaah subxaanahu watacaalaa.

Intaasi kadib wuxuu farriin u diray ciidamada DF: “Waxaan halkaan fariin uga dirayaa ciidamada murtadiinta ah, waxaan leeyahay waxaad xaabo u tihiin dagaal aanan kiina aheyn, waxaad difaac u tihiin cadowga xaqiiqiga ah ee aanu is heyno, waxaad doorateen inaad difaac u noqotaan gaalada dalkeena kusoo duushay. Waxaad ogaataan inaad u dhimanaysaan badalka askar Mareykan, Turki iyo gaalada la magac baxday ATMIS, waxaad tihiin ma liibaanayaal saliibiyiintu ku liibaaneen”

Wuxuu uga digay ineysan ku kadsoomin hadalada marin habaabinta ah ee kasoo baxaya madaxda shisheeyaha iyo kuwa DF, wuxuu weydiiyay sababta keentay in iyaga iyo gaaladu isku saf noqdaan. Isagoo lasii hadlaya ayaa wuxuu ugu baaqay iney ka faa’iideystaan fursadda ay maanta heystaan kana towbadkeenaan haddii kalana ay halaagsami doonaan agabkoodana uu gacanta u gali doono mujaahidiinta sidiiba shalay dhacday oo kale.

Markey halkaa joogto wuxuu diray bogaadin: “Waxaan baaq u dirayaa qof kasta oo ku kadsoomay dhagarta cadawga, qabaa’il ama afraad, culimo iyo caamo waxaan ugu baaqeynaa iney Allaah u towbad keenaan, waxaana ummadeena uga digeeynaa in aysan marnaba ku kadsoomin hagardaamooyinka Xasan Sheikh iyo kooxdiisa maleegaayaan. Qofkii af ama adin uga qeyb qaata diin la dirirka uu horkacayo Xasan Sheikh nabad kuma hoyanayo meel kastana waan ku beegsaneynaa”. Ayuu yiri Sheekh Cali Dhere.

Mas’uuliyiinta DF qaarkood iyo warbaahinadooda ayaa todobaadkii lasoo dhaafay sheegay iney dagaal ku dileen afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere.

Halkan Ka Degso Shirka Jaraa’id Ee Sh Cali Dheere

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.