Ururka Suxufiyiinta oo Kasoo Hor Jeestay Amarkii Caburinta Ku Ahaa Saxaafadda Ee Kasoo Baxay DF.

Ururada suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay war laablakac ahaa oo dhawaan kasoo baxay wasiir ku xigeenka warfaafinta DF oo lagu caburinayay saxaafadda madaxa bannaan iyo xoriyadda hadalka.

Suxufiyiinta ayaa sheegay in aysan raali ka ahayn amar aan sharci ku fadhin oo kasoo baxay qof shaqsi ah kaasoo looga dhigayo dekereeto sharci kusoo baxday oo kale.

Ururkada kala ah SOMA, SJS, SIMHA IYO Fosej ayaa si isku mid ah u sheegay in DF ay ku xad gudubtay shuruuc badan iyo xoriyadda hadalka iyagoo ugu baaqay iney dib u eegis ku sameyso.

Xoghayaha ururka Saxafiyiinta ee SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegay in aysan saxafiyiinta duruufta u saamayn sida ay u shaqeeyaan shaqsiyaadka amarka soo saaray kuwaasoo uu xusay iney wataan ciidamo ilaalo u ah iyo gaad aaney xabbaddu karin.

Hadalka ururada suxufiyiinta oo u badnaa garnaqsi ayaaney jirin cid ka tirsan DF oo uga soo jawaabtay. Xarakada Al-Shabaab ayaa dhawaan dhankeeda soo saartay bayaan saxafiyiinta ugu baaqay xaqiiqda iyo runta iyo in aysan qeyb ka noqon dagaalka DF.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.