Daahir Jeesow oo Sheehay In Cali Jeyte Uu Ka Barakacay Baladweyne.

Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay isbadalka ay gashay magaalada Baladweyne kadib weeraradii nafhurnimada ahaa ee lagu burburiyay xarumihii maamulka ee ku yaalla Lamagalaay.

Isagoo gurigiisa kula hadlayay warfidiyeenka ayaa waxa uu eedeyn dusha uga tuuray gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabelle Cali Jeyte Cusmaan, wuxuu sheegay inuu kala qeybin ku billaabay bulshada ku dhaqan magaalada isagoo qeyb kamid ah ula dhaqmay sida iney cadaw yihiin oo kale.

Jeesow ayaa sheegay in Jeyte uu amar ku bixiyay in wajiga laga calaamadeeyo ciddii kasoo tallawda dhanka qorrax-sin ee magaalada arrintaasoo uu kaga dan leeyahay sida uu sheegay inuu ku faquuqo dadka xaafadahaasi ku nool.

Wuxuu intaasi ku daray in Cali Jeyte uu yahay nin gabay mas’uuliyaddiisii wixii ka dambeeyay weeraradii waaweynaa ee Lamagalaay, wuxuuna xaqiijiyay in Jeyte uu u barakacay Ceeljaalle oo si uga baxsan magaalada halkaasoo ay dadku u barakici jireen markii uu wabigu kusoo fataho magaalada.

Xassan Sheekh ayaa dhawaan shaaca ka qaaday hadal saraakiisha DF ku marti qaadaya iney ku xad gudbaan bulshada una xalaaleynaya ficilada dilka, dhaca, isbaarada, kufsiga iyo handadaada kadib markii uu si aan ka fiirsi lahayn ugu hadalay mid lamid ah hadalkii Bush ee ahaa “annaga ayaad nala jireysaa mise argagixisada) (Islaamka)

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.