Weerar Lagu Dilay Ku Dhawaad 100 Askari Oo Ka Dhacay Burkinafaso.(Warbixin)
Weerar aan nuuciisa horay loo arag islamarkaana khasaaraha ka dhashay uusan abid soo marin ciidanka Burkinafaso ayaa ka dhacay gudaha dalkaas, waxaana weerarkaan oo lagu tilmaami karo musiibo ku habsatay xukuumadda Wagadugu ka dhashay khasaare lixaad leh oo isugu jira naf iyo maal oo sooray mellatariga dalkaas.
Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee ku xiran uru weynaha Al-Qaacida ayaa fulisay howlgal fariid ah oo si weyn loosoo qorsheeyay, waxaana bayaan kasoo baxay Jamaacada islamarkaana ay baahisay garabkooda warbaahineed ee Az-Zallaaqah lagu faah faahiyay howlgalkaan, iyadoo markii ugu horreysay lagu soo gudbinayo xogo aan horay loo shaacin.
“Darbo Dhaqaale Iyo Inqilaab Caskari oo ka dhacay Burkinafaso” ayaa ciwaan looga dhigay bayaanka ay baahisay Mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah, waxaana horu dhaca bayaanka lagu fur furtay mid kamid ah aayadaha Suuratu Al-Towbah. قَٰتِلُوهُمْ يُعَذِّبْهُمُ ٱللَّهُ بِأَيْدِيكُمْ وَيُخْزِهِمْ وَيَنصُرْكُمْ عَلَيْهِمْ وَيَشْفِ صُدُورَ قَوْمٍۢ مُّؤْمِنِينَ
Bayaanka ayaa intaas kadib soo gudbinaya nuuca uu yahay weerarkaan looga naxsaday xukuumadda Burkinafaso, islamarkaana geystay khasaare kii ugu xumaa ee abid soo mara taliska mellatariga, kaas oo sidoo kale sababay in dalku uu galo is badal cusub.
“Allaaf SWT waxaa uu mujaahidiinta ku dagaallamaya jidkiisa ee ku sugan Burkinafaso ku maneystay iney darbo dhaqaale iyo mid mellatari gaarsiiyaan ciidanka mujirimka ah ee Burkinafaso, iyo kuwa la jira” ayaa lagu yiri hordhaca bayaanka kasoo baxay mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin.
Sida ku cad bayaanka weerarka ayaa ahaa mid kamiin ah oo loo dhigay kolonyo aad u badan oo katirsan ciidanka xukuumadda Burkinafaso oo kasoo baxay caasimadda dalkaas ee Wagaduhu, iyagoona kusii jeedayay mid kamid ah magaalooyinka ku yaalla gudaha dalkaas.
Ciidanka marti galiyay weerarka ee kasoo baxay magaalada caasimadda ah ee Wagadugu ayaa kusii jeediyay magaalada Jibu ee dalka Burkifaso, “iyagoo hubkooda wata lana dagaallamayaa allaah iyo rasuulkiisa ayay halkaasi kasoo baxeen, balse Mujaahidiinta ayaa u diyaariyay weerar kamiin ah oo aad u qorsheysan” ayaa lasii raaciyay warka kasoo baxay Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiinta.
Kamiinkii loo dhigay ayay kusoo dheceen, waxaana Mujaahidiinta ay markii ugu horreeyay shaaciyeen in 180 kamid ah dagaalyahannooda ay ka qeyb galeen weerarkaan, oo marka loo fiiryo khasaare ahaan dhibaato weyn u geystay xukuumadda Birkinafaso.
“Allaah ayaa argagax ku riday quluubta cadowgiisa, saaxada ayayna ka firxadeen, kadib iska-hor’imaad culus oo sababay dhimashada 65 kamid ah ciidanka Burkinafaso, kuwaas oo 11 kamid ah meydadkooda ay goobta kaga carareen, halka kuwa kale oo aad u badanna meydadkooda looga tagay dhulka howdka ah ee ku yaalla halka uu weerarku ka dhacay” ayaa lasii raaciyay bayaanka ay baahisay Mu’assasada Az-Zallaaqah.
Marka laga yimaado khasaaraha nafeed waxa uu sidoo kale weerarku dhaliyay khasaare maaliyadeed oo culus, kaas oo soo gaaray taliska mellatariga ee xukuumadda, kolanyadaan oo ka koobnaa 119-gaadiid ayaa waxaa intooda badan lagu gubay weerarka kamiinka ah.
Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin waxa ay xaqiijiyeen in gawaari cadadkoodu yahay 90 gaari oo nuucyo kala duwan leh ay ku gubeen weerarka, waxaana gaadiidkaasi kamid ahaa kuwa xamuul ah, gaadiidka dagaalka, oo 3 kamid ah yihiin kuwa gaashaaman.
Waxa uu weerarkaan la gaar ahaa in dhammaan ciidamadii Mujaahidiinta ee ka qeyb galay duullaankaas ballaaran ay dhammaantood dib ugu laabteen fariisimihii ay kasoo duullaan tageen, iyagoona saalimiin ah oo uusan gaarin wax dhib ah, balse la laabtay qanaa’im kala duwan.
Tani ayaa noqotay musiibo dhaqaale oo ku habsatay taliska mellatariga xukuumadda Burkinafaso, waana midda keentay in uu dhaco inqilaab mellatari, oo aan horay loo shaacin sabata keentay afgambigaas.
Qeybaha dambe ee bayaanka Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa lagu diray goodi ku socda xukuumadda Burkinafaso, baaq ku wajahan shacabka Burkiniiyinta ah ee ku nool gudaha dalkaas, iyo hanjabaad ka dhan ah xukuumadda cusub ee inqilaabka mellatari kula wareegtay talada dalka.
“Dawaaqiiddu ha ogaadaano inuusan anfaceynin inqilaabyada soo noq noqday, balse waa iney u laabtaan allaah SWT, kuna raali noqdaan tadbiiqinta shareecada islaamka” ayaa lagu yiri bayaanka Az-Zallaaqah ee kasoo baxay Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin.
Shacabka reer Burkinafaso iyo kuwa ku nool magaalooyinka go’doonsan ee ku yaalla gudaha dalkaas ayaa qeybaha dambe ee bayaanka lagula hadlay, waxaana loo sheegay ineysan jirin wado ay kaga baxaan Mashaakilka heysta oo aan ka heyn iney ulaabtaan allaah cazza wajjalla, kuna raali noqdaan iney laazimaan tacaaliimta diinka islaamka.
Xukuumadda cusub ee dhaladka ah islamarkaana inqilaabka meellatari kula wareegtay talada dalka ayaa loo diiray farriin goodis ah, “Haddii aad dagaal dooneysaa annaga ayaa ehelkiisa ah oo waxaa agteenna ahaaday dheeraad, balse haddii aad nabad dooneysaan uga imaada albaabadeeda, Wasalaamun Calaa Manit-Tabacal Hudaa” ayaa lagu soo gaba gabeeyay bayaanka baahisay Mu’assasada Warbaahineed ee Az-Zallaaqah.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii inqilaab mellatari uu ka dhacay dalka Burkinafaso, kaas oo aan la sheegin sabata ka dambeysa afgambigaas, balse Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa markii ugu horreeyay shaaciyay waxa keenay inqilaabka, weerarkii ka dhacay dalkaas ayaana noqday mid mar kale looga naxsaday xukuumadda taagta ah ee ka jirta Burkinafaso, oo hadda u muuqata mid sii taag-darreysay oo aan awood u laheyn iney iska caabiso weerarada Mujaahidiinta.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin bayaan kasoo baxay Mu’assasada Az-Zallaaqah