Xamza oo Fatwooday inu u Jihaad Fii Sabiilillaah Isku Bedalay Dagaalkii ay Itoobiya iyo AMISOM Ka Billaabeen Wadanka!! WQ: Fowsi C/Kaariye.

Sannadkii 2005, dowladda Mareykanka ayaa waxay magaalada Muqdisho ka sameysatay ururkii la dagaalanka argagixisada (ashahaado la dirirka) markii la jabiyay kadib-na waxay dalka usoo dirtay ciidanka Itoobiya oo qabsaday illaa caasimadda, mar kale kolkii uu muuqday jabkii Xabashida waxay soo dirtay Amisom oo dhawaan loo badalay Atmis. Mareykanka naf ahaantiisa marnaba kama marnayn dagaalka haddey tahay mid dhulka ah, cirka iyo mid dhaqaale, isagoona dalka ku leh saldhigyo.

Dagaalkaas isaga ah oo magaciisa yahay “war on terror” ayaa hadba shaar loo galinayay magacana laga badalayay kadib markii uu fashilmay oo gaaladu wax dhaqaajin waayeen, wadaadadoodii ay mushaarka siinayeenna ku guul darreysteen iney bulshada ka dhaadhiciyaan in duullaanka gaaladu yahay mid Alle ka raali yahay sida kii Badar oo kale.

Dhawaan Xassan Sheekh oo ka khudbeynayay dalka Mareykanka ayaa si cad u sheegay in qorshaha dagaal ee ay hadda wadaan uu yahay mid ka yimid xukuumadda Washington, sababtuna wuxuu ku tilmaamay in dowladdiisa gacan ku rimiska ahi la iman weysay istaraatiijiyad rasmi ah oo lagula dagaalami karo (wuxuu ugu yeeray) “argagixisada” (islaamka)

Iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay hadal kaa khilaafsan ku nuuxnuuxsaday ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre isagoo sida inuu faqiih iyo caalim yahay fatwooday in dagaalkaasi yahay jihaad Alle dartii ah oo jannada lagu galayo!, wali lama arag koox ku doodeysa (gaal loo dagaalamo ayaa jannada lagu galaa), xataa dastuurka ay diinta ka dhigteen kuma qorna Jihaad iyo in Alle dartii loola dagaalamo gaalada amaba dad kale.

Inuu xamse hadalkiisa la yaab lahaa waxaa laga dheehanayaa ma jirin sida caadadooduba ahayd sacab badan oo loo tumayay intii uu khudbeynayay, dadkii uu dagaalka ugu baaqayayna waxay ahaayeen dhallinyaro loogu sheekeeyay in ciyaaraha kubadda cagta lagala hadlayo. Markii aan arkay dhawaqiisa waxaan soo xasuustay Alle ha u naxariistee hadal uu caalimkii Soomaaliyeed Sheekh Nuur Macallin Cabdiraxmaan uga jawaabay duritaankooda indha la’aanta ah ee ah in Mujaahidiintu khawaarij yihiin, Sheekhu wuxuu yiri: “Khawaarij Cali ayey la dagaalameen, Mujaahidiintuna waxay maanta diidan yihiin Obama iyo waxa uu wato, ee Obama goormuu booskii Cali fadhiistay?” dabcan xilligaas waxaa Mareykanka maamulyay Obaama.

Xamse ayaa u muuqda nin booskii Cali hadda fadhiisinayo sayidkooda Joe Biden amaba isaga oo gaalo kaaraheeda saaran is fariisinaya xilli ay xukuumaddiisu ku dhaqmeyso qaanuun gaaladu sameysay oo duminaya shareecada islaamka kaasoo culimada Soomaaliyeed caddeeyeen kufrigiisa!!. Sida la wada ogsoon yahay waxaan marnaba suurta gal ahayn in qofna uu iska dhigo wax uusan ahayn, nin gaalada u khidmeeya oo mucatab xiran, garxiir ah, uma suura gali karto inuu maalinna dumar la jaaso (music la cayaaro) maalinna uu jihaad sheegto.

Sidoo kale waxaa arrin lagu qoslo ahayd inuu u hanjabayay ganacsatada magaalada Muqdisho ee ay xukuumaddiisu canshuurta xad dhaafka ah ka qaato, ciidankiisuna isbaarooyinka uga qaataan, tiiyoo ay sii dheer tahay Turkida oo dhankoodana canshuur ka qaata. Xamsa miyuu hilmaamay hadalkii uu bil ka hor sheegay ee ahaa iney gun yihiin oo ay qolalkooda madaxtooyada waardiye ka hayso gabar Uagnda ka timid? Nin xaalkiisu sidaa yahay uma habboona inuu hanjabo ee isagaa mudan in la xoreeyo.

Hadalkaas waxaa u wehliyay inuu dadkii hor fadhiyay ugu baaqay haddeysan wax kale awoodin iney borobogaando ku caawiyaan dowladda, aaway warbaahintii dowladda? Tani waxay caddeeneysaa iney dhinac walba ka fashilan yihiin loogana adkaaday dhanka iclaamka, waa xukuumad dooneysa iney Facebook ku sugto ammaanka magaalada Muqdisho kuna disho ciidanka Xarakada Al-Shabaab!! Ugu dambeyntii waxaan doonayaa inaan qormadan uga boxo su’aal aan weydiinayo ra’iisulwasaaraha, ra’iisulwasaare waxaa laguugu magac daray saxaabi jaliil ah Xamsa bin cabdilmuddalib waxaana ku mahadsan waalidkii ku dhalay, Saxaabigaas aad magaciisa wadato waxaa xubnihiisa la jarjaray isagoo raayada ama calanka aad jeexjeexdaan hadba gacan ku qabanaya sidaa ayuuna jannada ku mutay, haddaba macquul makula tahay inaad jannada wada gashaan saxaabigaas adigoo la safan gaalo saliibiyiin ah oo siibaya calankii uu dhulka u diidanaa ee hadba gacanta uu ku qabto la jarayay?

Qore: Fowzi Cabdi Kaariye

FG: Aragtida maqaalkan waxa u gaar tahay qoraha loomana tiirin karo www.radioalfurqaan.com

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.