5 ARRIMOOD OO URURKA AL-SHABAAB TAAGEERO UGA HELEEN BEELAHA SOOMAALIYEED.

Iyada oo muddo dhowr bilood ah laga joogo markii lagu dhawaaqay gulufka colaadeed ee ka dhan ah ururka Al-Shabaab, waxaa muuqata in dagaalka uusan kow iyo laba joogin kadib markii ay ku soo biireen beelo hor leh oo ka mid ah qabaa’ilka Soomaalida.

Waxaan daawaday muuqaalo laga soo qaaday shir wada-tashi ah oo socday muddo 3 maalmood ah oo todobaadkii lasoo dhaafay usoo gabagaboobay Al-Shabaab iyo hogaanka dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan koofurta iyo bartamaha dalka, kaas oo qabaa’ilku ay ku cadeynayeen mowqifkooda ku aadan colaadda ay ku dhawaaqday dowlada Federalka ee ka dhanka ah dhulka ay maamusho Xarakada.

Shirweynahan oo ay ka qeyb galeen ugu yaraan 60 oday dhaqameed oo matalayey beelaha deg dhulka ay maamusho Al-Shabaab ayaa aad loo hadal hayey isbuucii lasoo dhaafay, waxaana baraha bulshada buux dhaafiyey sawiro iyo muuqaallo ay warbaahinadu kasoo tebiyeen shirka.

Wuxuu ahaa kulan aragti dhab ah ka bixinayey kacdoonka shacbiga ee ka jira dhulka ay maamusho Xarakada, iyo abaabulka uu ururku ka wado deegaanada uu gacanta ku hayo, waxaana goor sii horreysay sidoo kale la faafiyay in Mudullood, Maxmuud Hiraab iyo Murusade, Gaaljecel, Hariin, Eelaay iyo beelaha Sade ay shaaca ka qaadeen inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Al-Shabaab, waxayna carrabka ku adkeeyeen in ay dagaal kala hor tagayaan waxay ugu yeereen murtadiinta iyo maleeshiyaadka duulaanka ku ah deegaanadooda.

Qaar ka mid ah beelahan oo deegaanadooda lagu soo duullay ayaa kasoo dhalaalay ballankii ay ku galeen inay difaacdaan dhulkooda sida -Muddullood, Murusade iyo Maxamuud Hiraab, ka dib markii ay dagaallo adag la galeen ciidamadii dowladda ee soo weeraray deegaanada Waxbo, Masaajid Cali Gaduud iyo Ceel-la-helay.

Garab istaagga Shabaabku ka heleen beelaha dega koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa noqaday kuwa hadal-heyn iyo saameyn ballaaran ku yeeshay dagaalka lagula jiray ururka Al-Shabaab, waxaa ka dhashay is-maandhaaf xooggan iyo in lagu kala aragti duwanaado qaabka loo wajihi lahaa dadka ku qanacsan ku hoos noolaanshaha deegaanada uu ururku ka taliyo. Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shacabka Soomaaliyeed laba farood u taagay isaga oo khiyaar galinaya “inay ama Al-Shabaab raacaan amaba dawlada uu madaxda u yahay kusoo biiraan”. Hadaba maxay tahay sababta ay bulshada iyo beelaha Soomaaliyeed u doorteen jihaadiyiinta? Maxaa sababay in ay ku raali noqdaan aragtida iyo maamulka Al-Shabaab, maxayse tahay danta ay ka dhax arkeen?.

1.TAARIIKHDU WAA SIR MAQABE.

Laga soo billaabo halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan illaa lagu yimaado burburkii Soomaaliya iyo wixii ka dambeeyay, waxaa jiray qabaa’il Soomaaliyeed oo hoy iyo harac la harsado u noqday ururo hubeysan oo dagaalo kula jiray waxay ugu yeereen ‘gumeysi iyo gumeysi raac’ amaba siduu Sayid Maxamed Cabdulle ku gabyay ‘rayid iyo intii rarata’.

Dagaalkii UNISOM sanadkii 1992 iyo dagaaladii ururka Al-Itixaad iyo Maxaakiinta Islaamiga ay la galeen Itoobiya, ayaa dhamaan ku abtirasanayey amaba salka ku haayay deegaano qabiil oo ay taageero ka helayeen. Sida maantaba ay qabaa’ilka Soomaaliyeed ugu kala kala safteen laba kooxood ee is hardinaya, ayaa xiligaas iyo xilliyadii ka horeyba beelaha Soomaaliyeed ugu kala jabeen laba dhinac, kuwo gacan saar la leh dowlad iyo ciidamo shisheeye iyo kuwo kasoo horjeeda, waxayna had iyo goorba labada awoodood isku eedeyn jireen ‘nabad-diid’ amaba ‘gumeysi kal-kaal’.

Haddii aan milicsano dhacdooyinka adduunka soo maray iyo tusaalooyinka muujinaya taagerada ay qabaa’iladu u fidiyeen ururo diimeed, waxaa ugu caansan qabiilka Bashtu oo af iyo adinba la garab istaagay Daliban iyo dagaalkii ay kula jireen dowladda Mareykanka iyo xukuumadda Afghanistaan. In ka badan 20 sano ayey Pashto-ga gaashaan iyo gabbaadba u ahaayeen Daliban waxayna deegaanadooda ku marti sooreen madaxda sare ee ururka Al-Qaacida sida Usaama bin Laadin iyo Ayman Ad-Dawaahiri.

Hadaba maxay tahay meelaha ay ka siman yihiin beelaha Soomaaliyeed ee dhawaan calanka Al-Shabaab taagtay iyo qabiilka Pashto? Ugu horreyn, labaduba waa qabaa’il dhaqan iyo sooyaal u leh dirirta iyo iska caabinta duullaanada lagu maagayo deegaanadooda. Tan labaad, labaduba waa qabaa’il ka galiilyoonaya amaba sharaf dhac iyo gunnimo u arka in ay soo dhibaan ciddi magansantay amaba marti iyo maciin bidday. Tan sadexaas, labaduba waa qabaa’il lagu yaqaano inay soo ahaayeen dad ahlu-diin ah kaalina kasoo qaateen fidinta iyo u hiilinta diinta Islaamka ee deegaanadooda.

2.NABAD AYAA NAAS LA NUUGA LEH

Marka laga yimaado magansiga iyo martinimada ay qabaa’ilka Soomaaliyeed ku dhawrayaan Al-Shabaab, waxaa ayaduna hubaal ah in beelaha laftirkooduba ay ku dheef qabaan joogidda Al-Shabaab iyo maamulkooda. Kahor inta aysan Al-Shabaab qabsan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaa dalka intiisa badan ragaadiyey dil, boob iyo xad-gudubyo baahsan oo loo geysan jiray bulshada qeybaheeda kala duwan. Deegaanada iyo gobolada ay ku abtirsadaaan beelaha la shiray Al-Shbaab ee taageerada buuxa u muujiyey, ayaa ah kuwo la daala dhacayey dagaalada sokeeye, waxaana dadkooda daashaday aanooyin qabiil iyo dakanooyin raaga.

Hasa ahaate, markii ay Al-Shabaab la wareegeen magaalooyinka iyo deeganada ay beelahan degaan, wuxuu ururku kusoo dabbaalay nabadgalyo iyo xasilooni ay dadku ku diirsadeen. Ku dhawaad 20 sano kadib, waxay bulshada deeganadan heleen amni, kala dambeen iyo garsoor cadaalad ah oo lagu kala maslaxeeyey beelihi qoorta iskula jiray, sida awgeed ayey qaar ka mid ah beelaha Soomaalida udoor-bideen in ay ku hoos noolaadaan maamulka mintidiinta.

Arintaas waxaan oran karaa waa tan ugu muhiimsan ee qabiillada Soomaaliyeed ay ku taageerayaan Al-Shabaab. Waa inay iyaguna ku kala nabad-galeen, dadkii kalena ka nabad galeen. Mar baan waxaan daawatay rag ka dhashay beesha Abgaal oo goob aan qiyaasayo inay tahay Shabeellada dhexe ku ciyaaraya shirib. Mid kamid ah laashimiinta oo amaanayay xarakada ayaa wuxuu lahaa: Intuusan Al-Shabaab imaan, Irrid kastaa isbaaro tiil. Ninkaasi wuxuu soo qeexay sabab muhiim ah oo ay mudantahay in ugu yaraan lagu ammaano xarakada laguna taageero.

Bishii la soo dhaafay ayaan shabakada Al-Jazeera ka akhriyay maqaal lagu daabacay kaas oo lagu falanqeenayo waxtarka maxkamadaha Al-Shabaab iyo taageerada ay ku dhex leeyihiin bulshada. Wuxuu maqaalkan si gaar ah diiradda u saaray in dadka ku soo hayaamaya garsoorka Al-Shabaab ay raali ku yihiin hab-maamulka ururka iyo nidaamka u degsan, waana arrimaha ay dhawaan ka dhawaajiyeen cimaamadleeyda Al-Shabaab taageersan.

3.LIBAAX NIN GANAY IYO NIN GALADAYBA OG

Arrinta saddexaad ee beelaha Soomaaliyeed ku hogaamisay inay la saftaan Al-Shabaab waa danaha adduun iyo dheefta ay ka dhaxleen ururka 15kii sano la soo dhaafay. Ha noqoto kobaca dhaqaalaha, fursadaha shaqa abuurka, deeq bixinta, daaweynta iyo mashaariicda lagu hormarinayo deeganadooda, intaba waa arrimo soo jiidasho leh oo jaceyl ku beeray bulshada iyo beelaha dega magaalooyinka iyo miyiga ay ka arrimiyan jihaadiyiinta. Michael Keating oo ahaa ergayga gaarka ee Qaramada Midooday ugu magacaaban Soomaaliya ayaa aarimahan ka mara-kacay wuxuuna buugiisa War and Peace in Somalia ku xusay, in ururka Al-Shabaab ay bixiyaan adeegyo waxbarasho, caafimaad lacag la’aan ah iyo deeqo gaargaar taas oo keentay in ay Al-Shabaab hantiyaan garaadka iyo quluubta bulshada.

Sidoo kale, bilawgii sanadkan ayaa saxafiga Simon Marks maqaal uu ku qoray wargeyska Bloomberg wuxuu cinwaan uga dhigay: Al-Shabaab Insurgents Feed Communities in Drought-Stricken Somalia wuxuuna ku sheegay qoraalkiisa in: “laga cabsi qabo in samfalka ururka iyo deeqaha gargaarka uu bixinayo ay ku kasbadaan taageero iyo dad badan oo ururka ku biira”.

Waxaa hubaal ah in saadaalinta wariyahan ay tahay mid maanta soo ifbaxday caadna lagu qarin karin, hasa ahaate waxaa ka hoos baxday in taageerada Al-Shabaab loo qabo aysan ku iman kaliya raashin loo qeybiyay dad tabaaleysan, balse ay taageeradan ballaaran ka dhalatay isku dhex milanka bulshada iyo Al-Shabaab 15kii la soo dhaafay iyo in ururka uu ku guuleysatay dagaalka maskaxda iyo soo dumidda beelaha Soomaaliyeed.

4.DOODDA DIIMEED AAN LA DABOOLI KARIN

Marka laga yimaado dan wadaagta ka dhaxeysa beelaha Soomaaliyeed iyo ururka Al-Shabaab, waxaan doodda ka marneyn ku raali ahaanshaha ay beelaha ku qabaan fakarka ururka. Dhawaan ayey aheyd markii warbaahinada Al-Shabaab ay faafiyeen muuqaalo muujinaya nabadoono Soomaaliyeed oo qoryahooda garwaxsan, tix iyo tiraabna ku cabiraya mawqifkooda ku aadan gulufka Xasan Sheekh iyo waxa ay ka aaminsan yihiin Dowladda Federaalka.

Shirarka ay beelahan ku soo bandhigeen mawqifkooda waxaa ka hadlay odayaal dhaqameedyo, abwaano iyo ugaaasyo bulshada dhexdeeda magac iyo maamus ku leh, waxaana hadaladooda laga dheehan karay in iyaga iyo Sheekh Cali Dheere aysan waxba is doorin. ‘Dimooqraadiyad ma rabno’. ‘Dastuur gaala qortay deegaankeena laguma maamulayo’. Iyo ‘gaal iyo ifantrigiisa waa inoo il iyo aragti’ ayaa ka mid ahaa oraahyada ay odayaashan ku dhawaaqayeen taas oo ka dhigan in dagaalkooda uu yahay mid ku salleysan aragti diimeed.

5.DOON SI DAGEYSA DUSHEEDA LAMA FUULO

Qodobka shanaad ee beelaha Soomaaliyeed qaar ka mid ah ay isu barbar taageen ururka Al-Shabaab waa yadadiilada ay ka qabaan mustaqbalka Soomaaliya iyo inuu dalka la wareegi doono ururka Al-Shabaab. Iyaga oo ka ambaqaadaya dhacdooyinkii Afghanistaan iyo jabkii soo gaaray ciidamada Mareykanka iyo xukuumadda Ashraf Ghaani, ayaa dad badani aaminsanyihiin in Dowladda Federaalka ayaduna tahay mid gabbalkeeda sii dhacayo oon sii taagnaan doonin haddii ay ciidamada shisheeyaha dalka isaga huleylaan. Dhawaan ayey aheyd markii ergayga Dowladda Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ku yiri: hadaljeedintiisii magaalada Toronto ee dalka Canada, ‘haddii Al-Shabaab naga adkaadaan sidii Afghanistaan ka dhacday ayaan diyaaradaha qabsan doonna’.

Inkasta oo ina Cabdishakuur fogeesanayay suurta-galnimada in amakaagii Afghanistaan uu Soomaaliya ku dhaboobo, ayaa dhanka kale ururka Al-Shabaab yihiin kuwo tirsanaya maalmaha uga haray hawlgalka ATMIS iyagoo ku hanweyn inay dalka la wareegeen. Hiigsigan iyo kalsoonida ay ururka isku qabaan ayaa keentay in beelaha Soomaaliyeed qaar ka mid ah ay usii gogol xaaraan ururka islamarkaana ay kaalin ka qaataan guusha la saadaalinayo.

Waxay ahaataba, waxaa hubaal ah in dagaalka maanta dalka ka aloosan u yahay mid si toos ah loogu kala miirmay. Siduu madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud horayba u sheegay, dadku waxay u kala baxeen Al-Shabaab iyo intii taageerta iyo Dowladda Federaalka iyo intii taageersan. Shalay haddii la is kula joogay gambasho iyo geed isku qaris, maanta wuxuu dalku marayaa xilli heeryada la kala rartay nin walibana uu muujistay gacal iyo gacangalkiisa, waxayna xaaladduu maraysaa sida odaygii Harar ku gabyey markuu yiri, Allow la kala miiranye Menelik ha i raacin.!.

W/Q: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
Stockholm, Swedan

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.