Agaasimihii Wasaaradda Gaashaandhigga DF oo Iscasilay.

Xassan Maxamad Siciid Samatar oo ahaa agaasimihii wasaaradda gaashaandhigga DF ayaa saacado ka hor shaaciyay inuu iska casilay xilkaas sababo la xariira maamul xumo ka dhex jirta DF.

War qoraal ah oo uu soo saartay ayuu si cad ugu xusay inuu gabi ahaanba isaga tagay xafiiska, wuxuuna si gaar ah uga eed sheegtay wasiirka Gaashaandigga Jaamac iyo madaxda DF oo uu muujiyay iney wax la wadaan.

Iscasilaada ayaa muujineysa in maamul xumo ku aadan dagaalka iyo musuq uu ka dhex jiro wasaaradda gaashaandhigga maadaamo kharashaad badan ay dowladdu Mareykanka uga qaadatay iney dagaal kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxay iscasilaada agaasimaha kusoo aaday xilli uu Xassan Sheekh u socdaalay degaano ka tirsan gobolada dhexe si uu niyadda ugu soo dhiso malleyshiyaad iyo ciidamo ka tirsan kuwa DF oo khasaare badan kala kulmay furimaha dagaalka.

Abuukar Carmaan oo ah siyaasi ku nool Mareykanka ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in goor aan fogeyn la arki doono iyadoo la isku heysto lacagihii qandaraaska ahaa ee dagaalka lagu soo qaatay, furimaha dagaalkana laga soo laaban doono, waxaana hadda muuqanaya in badan oo kamid ah saadaashii siyaasigaas iyo kuwa kalaba ay bixiyeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.