Al-Shabaab oo Warsaxaafadeed Kasoo Saaray Weerarka Madaxtooyo.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto weeraradeeda ka dhanka ah DF oo ay ku eedeysay iney dagaal kula jirto diinta Islaamka, dalkana ay keentay dhaqamo gurracan oo uu qowmuluudku kamid yahay.

Maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war rasmi ah kasoo saaray weerarka ka socda xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kaasoo soo billowday abaaro sideedii fiidnimo ee xalay.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidanka Al-Shabaab ee weerarka qaaday ay u suura gashay iney ka gudbaan koontaroolo badan islamarkaana ay gaaraan halkii uu yoolkoodu ahaa, qabsadaanna daarta Villa Rosa iyo dhismayaal kale oo madaxtooyada dhaca.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay bayaanka n ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay Alle kadib u suura gashay galitaanka madaxtooyo iyagoo adeegsanaya khibrad iyo xeelado kala duwan, markii ay gudaha u galeenna ay toogasho ku billaabeen mas’uuliyiin ka tirsan DF oo loo tagay iyagoo war moog ah.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa jabiyay muddo dhowr jeer ah askar ka tirsan kuwa DF oo kusoo duulay si dib ugu hantaan dhismayaasha laga qabsaday: “Weerarada ayaa socda muddo ka badan 18 saacadood. Ciidamada Mujaahidiintuna waxay fashiliyeen isku dayo farabadan oo uu cadawgu doonayay inuu kusoo soo ceshado gacan ku haynta dhismayaasha. Waxaa jira khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray madaxda ridada oo ay kamid yihiin wasiiro, wasiir ku xigeeno, wasiir-dawlayaal, saraakiil ciidan iyo askar intaba. Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad milatari oo ay ka ghaniimaysteen malleeyshiyadii ridada ee ku fashilmay duullaanadii ay soo qaadayeen xalay ilaa xilligan oo duhur ah. Waxayna si buuxda gacanta ugu hayaan dhismayaal ku teedsan Madaxtooyada ridada. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto weeraradeeda ka dhanka ah DF oo ay ku eedeysay iney dagaal kula jirto diinta Islaamka, dalkana ay keentay dhaqamo gurracan oo uu qowmuluudku kamid yahay: “Weerarka Mujaahidiinta ayaa sababay inuu baaqdo kulan muhiim ahaa oo ay u ballansanaayeen xubnaha labada gole ee dawaaqiida ah ee sharci dejiyayaasha iskugu yeera. Sidoo kale madaxweynaha kooxda ridada, murtad Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa lagala cararay madaxtooyada isagoo loola baxsaday dhinaca garoonka diyaaradaha Muqdisho. Waxaan u mahad celinaynayaa Allaah Subxaanahu watacaalaa annagoo weydiisanayna inuu sugo geesiyada Islaamka ee naftooda u huraya sidii ay u ciqaabi lahaayeen cadawga ridada ah ee u taagan la dagaalanka
Shareecada Islaamka, una ololeynaya gaalnimada iyo dhaqamada gurracan ee qawmu-luudnimada ah”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka oo Dhammeystiran

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.