Beesha Tunni oo caleemo saaratay Suldaan Guud oo ku hoggaamiya shareecada islaamka.(Sawirro)

Mas’uuliyiin katirsan Xarakada shabaabul Mujaahidiin.Culumaa’udiin.Odayaal dhaqan,haween iyo dhalinyaro ayaa ka qeybgalay xaflad balaaran oo lagu qabtay Kuunyo Barrow taasi oo lagu caleemo saarayay Suldaanka Guud ee beesha Tuni Suldaan Maxamed Cabduqaadir Cabdiraxmaan Maxamed Saakow.

Maadaama qabanqaabada Caleemasaarka  suldaanka ay muddo soo socotay  waxaa aad loo agaasimay xaflada hadey ahaan laheyd howlka lagu qabtay iyo raashinka loogu talagalay marti sharafta iyo mas’uuliyiinta.

Dhalinyaro ka dhashay beesha Tuni ayaa aad kaga dhex muuqday qalabeynta howlka oo qofka ay usuura gashay inuu gudaha ugallo uu la dhacayay sida loo qurxiyay makaanka.

Kuunyo Barrow iyo goobaha beeshu ay degto waxaa  si weyn looga dareemayay Caleemo saarka suldaanka waxaana magaalada dhowr cisho ka hor caleemo saarka soo gaaray dad aad ubadan oo ka yimis shabeellaha hoose jubooyinka iyo gabalka Banaadir.

Salaadiinta iyo nabad doonada beesha ee ka yimid goballada Banaadir,Jubooyinka iyo shabeellaha Hoose ayaa si buuxda u ayiday Caleemo saarka Suldaanka iyagoo adkeeyay inay la shaqeyn doonaan Suldaankooda waxayna ugu duceeyeen in allaah uu ku asturo mas’uuliyada loo igmaday.

Odayaasha ayaa  tilmaamay in Suldaanka cusub uu yahay nin ku Munaasiba xilka loo doortay, sidaas awgeedna ay ugu hanbalyeynayaan inuu hoggaamiyo beesha.

Wullaada wilaayaadka islaamiga ah ee Jubooyinka iyo Shabeellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala iyo sheekh Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan oo munaasabada ka hadlay ayaa la dardaarmay Beesha suldaanka dooratay iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.