Booliska Kenya oo Ganacsade Soomaali Ah Ku Dhacay Nairobi.
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenaya ayaa sheegaya in dhac loo geystay ganacsade Soomaali ah oo muddo badan ku noolaa wadankaasi. Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Islii ayaa walaac xooggan ka muujiyay falkan.
Ganacsadaha oo lagu magacaabo Maxamad Xaaji ayaa waxaa lacagta looga qaatay meel u dhow xaafadda Westland kadib markii ay ciidanka ilaalada wadooyinku soo daba galeen wiil uu u dirsaday inuu lacagta uga soo sarrifo Westland.
Booliska ayaa afduubtay wiilka waxayna ka qaateen lacagta oo cadadeeda lagu sheegay 6 milyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta 50 kun oo dolar. Taliska ciidanka Booliska Kenya ayaa sheegaya iney baarayaan kiiskan.
Ganacsato badan oo Soomaaliyeed ayaa marar badan dalka Kenya looga dhacay lacago, qaarkoodna waa la dilay. Soomaalida ayaa ganacsi badan ku leh Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii mana laha nidaam isku xiran oo Kenya ku cadaadin kara in wax laga qabto dhibaatadan maadaama laga qaado canshuur sidoo kalana ay maalgashi ku sameeyeen wadankaas.