Dagaallo Lagu Jabiyay Ciidamada DF & Maleeshiyaadka Macawiisleyda Oo Ka Dhacay Hiiraan.
Tuleedka degaanka Tardo ee gobalka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay dagaallo dhowr jeer lagu jabiyay ciidamada DF iyo Maleeshiyada Macawiisleyda.
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaalladaan waxay ku dileen 7 askari, halka ay ku dhaawaceen tiro kale oo intaa ka badan.
Cusmaan Goodax Shiilaabo, oo ah horjeege katirsan Maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa kamid ah askartii ku dhaawacantay dagaallada, waxaana lagu soo waramayaa in uu soo gaaray dhaawac garaab ah.