DEGDEG: 45 DF Looga Dilay Dagaalkii Qaayib & Al-Shabaab oo Bayaan Kasoo Saaray.
Weerarkii saaka lagu soo afjaray saldhigyadii ciidamada DF ee degaanka Qaayib ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan uu Xassan Sheekh madaxweynaha DF tagay qaar kamid ah furimaha Galgaduud.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bayaan kasoo saartay dagaalkii cuslaa ee ay saaka ciidamadeedu ku qaadeen degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud gaar ahaan xeryihii ay halkaaso ku lahaayeen ciidamada DF iyo malleyshiyaadkii kaabayay.
Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Xarakadu ay saaka weerar qorsheysan kula jarmaadeen ciidamada DF ee ku sugnaa degaanka Qaayib ee wilaayada Galgaduud iyadoo weerarka lagu daah furay camaliyad nafhurnimo ah kadibna ay xigeen ciidan qalabeysan oo dhowr jiho ka weeraray xeryaha.
Waxaa Bayaanka lagu soo bandhigay khasaaraha soo gaaray ciidamada Galmudug iyo kuwa DF: “Dagaal muddo kooban socday kadib, waxay ciidamada Mujaahidiintu -Allaah fadligiis- jebiyeen cadawgii saldhigga ku sugnaa waxayna gacanta ku dhigeen deegaanka Qaayib. Khasaaraha dhimasho ee cadawga soo gaaray inta ilaa hadda la xaqiijiyay waa 43 dhimasho ah, iyo 51 dhaawac
ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Al-Shabaab waxay sidoo kale xaqiijiyeen iney soo furteen gaadiid dagaal: “Waxay Mujaahidiintu dagaalkaas kusoo ghaniimeysteen shan [5] gaari oo ay ku jiraan gaadiidka loo yaqaano Tiknikada, waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo uu cadawgu
uga cararay goobta. Waxaan Allaah Subxaanahu watacaalaa uga mahadcelinaynaa guusha uu siiyey Mujaahidiinta jidkiisa ku dagaalamaya iyo jabka uu gaarsiiyey cadowga hororka ku ah Shareecada Islaamka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dagaalka ka dhanka DF iyo ciidamada shisheeye ayaa waxa ay mujaahidiintu ku sifeeyeen inuu yahay mid lagu ilaalinayo badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo in dhamaan dhulalka Muslimiinta laga xoreeyo shisheeyaha iyo dhinacyada ku jaalka ah oo ay u horreyso DF.
Mar kale waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku celisay iney sii wadeyso dagaalka ka dhanka ah DF iyo shisheeyaha waxayna tiri: “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay markale kucelinaysaa dalabkii ahaa in dadka Muslimiinta ah ay ka fogaadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada cadawgu ku leeyihiin degmooyinka iyo deegaanada ay xoogga uga haystaan ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah. Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah ilaa ay geyiga Soomaaliyeed laga sifeynayo cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso.
Weerarkii saaka lagu soo afjaray saldhigyadii ciidamada DF ee degaanka Qaayib ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan uu Xassan Sheekh madaxweynaha DF tagay qaar kamid ah furimaha Galgaduud halkaasoo uu kula kulmay ciidan niyad jabsan oo uu dhiig bax ku socdo, waxaana dhacdadan ay ka dhigan tahay mid ceeldheer kusii riday hamigii Xassan Sheekh.
Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa isi soo tarayay siyaasiyiinta iyo saraakiisha DF ee eedaha isku jeedinaya kadib markii ay kordheen khasaaraha baaxadda leh ee kasoo gaaraya ciidamadooda furimaha dagaalka, isbitaalada magaalada Muqdisho waxaa dhoobay dhaawacyada ciidamo badan oo ka tirsan kuwa DF lagana kala keenay gobollo kala duwan ayna ku jiraan kuwa aan dalka wax looga qaban karin illaa iyo haddana aan helin caafimaad dibadda ah.
HOOS KA AKHRISO BAYAANKA