DEGDEG: Daawo Wareysi Muuqaal Ah Oo Su’aalo Xasaasi Ah Lagu Weydiinayo Afhayeenka Al-Shabaab Sh/Cali Dheere. (Q-1aad)

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) ayaa wareysi uu siiyay shabakadda warbaahinta Al-furqaan uga hadlay arrimo badan oo qaarkood xasaasi yihiin kadib markii su’aalo laga weydiiyay. Wuxuu qeybaha hore ee wareysiga uga warramay shirkii dhawaan usoo gabagaboobay islamarkaana ay fatwada kasoo saareen culimada Wilaayaatka islaamiga kaasoo uu sheegay in ujeedada loo qabtay ay tahay in ummadda loo cadeeyo xaaladda uu wadanku ku sugan yahay iyo xukunka dagaalka kala dhaxeeya DF iyo ciidamada shisheeye.

Isagoo ka jawaabaya su’aal la weydiiyay oo ku saabsanayd in joogitaanka ciidamada shisheeye ay sababteeda qeyb ku leeyihiin ayaa waxa uu yiri: “Ingiriisku markuu wadanka kusoo duulayay ma Shabaab baa joogay, Talyaaniga markuu soo duulaayay ma Shabaab baa joogay? Bortoqiiska markuu dalka kusoo duulayay ma shabaab baa joogay? … Gaalo iney wadanka timaado yaa u fasaxay, Baarlamaankaa u fasaxayey sheegtaan sow ma aha, yaa keenay gaalo marka, Iyagaa keenay oo sabab u ah, cidda gaalada markey bixi rabaan dhaheysa intey gaalada Qaramada midoobay sheegato tagaan Al-Shabaab iskama celin karnee ha noo joogaano dhaheysa waa ayo, waayahaye Soomaaliyey gaalada yey u joogaan ma dowladda ridada ayay u joogaan mise Al-Shabaab?” sidaasi waxaa yiri Sheekh Cali Dheere.

Sheekh Cali Dheere ayaa waxa kale oo uu ka hadlay waxa dhabta ah ee ay ku saleysan yihiin dagaalada haatan u dhaxeeya iyaga iyo dowladda Federaalka, mid kamid ah su’aalihii ugu dhumucda weynaa ee la weydiiyay waa eeda ah iney xalaashadeen dhiigga dadka muslimiinta ah iyo kuwa kale oo aad uga bogan kartid wareysigan.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA SHEEKH CALI DHEERE

LINKI CUSUB

HALKAN KALA DEG QEYBTA KOOWAAD WAREYSIGA SHEEKH CALI DHEERE

 

 

 

You might also like
1 Comment
  1. Abuu curwa says

    Allah haydin dhawro dhammaantiin Sheekh caliyow adiga iyo ragga kaleba.

Leave A Reply

Your email address will not be published.