Dhageyso: Al-Shabaab Oo War-Saxaafadeed Kasoo Saaray Camaliyaddii Lagu Weeraray Xero Nacnac Ee Muqdisho.
Khasaare lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Federaalka kasoo gaaray qarax xooggan oo xalay lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.
War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahan istish-haadi ah uu weeraray maleeshiyaad katirsan dowladda xilli ay safaf dhaadheer uga jireen xerada Warshaddii hore ee Nac Naca degmada Wadajir waxaana halkaas ka dhashay khasaara aad uxooggan.