Dhageyso: Ku Dhawaad 100 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Hiiraan.
Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo Maalintii shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Dagaallada oo ahaa kuwa saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii ay ciidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan weerar kedis ah ku qaadeen maleeshiyaad katirsan DF-ka xilli ay isku aruursanayeen tuulada Ceelhareeri ee udhaxaysa degmada Maxaas iyo deegaanka Tardo.
Illaa 4 goor ayaa lagu soo waramayaa in dagaallada lagu jabiyay ciidamada huwanta ah, iyadoona dhabarka loo saariyay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Isku geyn khasaaraha dhimasho ee ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macaawisleyda kasoo gaaray dagaalladii shalay ayaa gaaraysa 36 dhimasho ah, halka dhaawucuna uu kor u dhaafayo 50 kale.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Faahfaahinta Dagaalladii Shalay Ka Dhacay Hiiraan.