Faahfaahin Kasoo Baxeysa Qaraxii Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.
Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay qaraxii degaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka Muqdisho lagula beegsaday Kolanyada maleeshiyaatka Gorgor ee Turkiga uu tababaray.
Tirada dhimashada ayaa gaartay 12 askari, halka dhaawacuna uu caga cageynayo 20 kale, waxaana intaa dheer oo gabi ahaanba bur buray gaari nuuca ciidamada qaada oo ay saarnaayeen Maleeshiyaadka la beegsaday.